Hanbalyo Ciida Ay soo direen odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland.
Posted by abdi on August 31 2017 20:34:08

Annaga oo ah odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska waxaannu u soo gudbinayna shacbiga Soomaliland.


Extended News

Annaga oo ah odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska waxaannu u soo gudbinayna shacbiga Soomaliland debed iyo gudaba ciidda hanbalyo iyo  bogaadin ciidda barakaysan awgeed  iyo qodobbo kale.

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaannu u rajaynayaa xujayda sanadkan waajibaadkooda gudatay in Alle ka aqbalo, nabad iyo caafimaadna ay ku soo gurya noqdaan, dhammaanteena in Alle inaga ajiibo ducooyinkana innagana yeelo kuwa uu karameeyo maalinta qiyaamana  uu naarta ka xoreeyey.

Waxaannu u rajaynayaa dhammaan qoomiyadda Soomaaliyeed iyo ummadda islaamka ee kale ciidda barakaysan, barwaaqa iyo nabadqab.

Annaga kaga faa,iidaysanayana munaasibadda ciidda barakaysan in ay shacabka reer Somaliland ilaashadaan midnimadooda meelna uga soo wada jeedaan ilaalinta dhulkooda ilaahay ku wada abuuray.

Ciida mubaarak