Malaayiin Xujey Muslimiin ah oo maanta taagan Banka Carafo.
Posted by abdi on August 31 2017 20:52:37

Malaayiin Xujey Muslimiin ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa maanta taagan Banka Carafo, iyaga oo soo gudatay Acmaal kala duwan.


Extended News

Malaayiin Xujey Muslimiin ah oo sanadkan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa maanta taagan Banka Carafo, iyaga oo soo gudatay Acmaal kala duwan oo ka mid ah Arkaanta Xajka.

 
Maanta oo ah Sagaalka Dulxaj, waxay Xujeydu taagan yihiin Buurta Carafo, halkaasoo ay ku duceysanayaan, waxay joogi doonaan illaa gabal dhaca maanta.
Xujeyda ayaa xalay ku baryay Mina, iyagoo maantana ku Alle baryaya Banka Carafo, maalinta berito ahna waa ciidul Adxa, sidaas ayaana la rajeynayaa iney kusoo gebageboowdo Acmaasha xajka ee sanadkan.
Xujeyda sanadkan gudaneysa acmaasha Xajka ayaa ka kala yimid dalal badan oo Muslimiin ah, iyagoo ah kala midab, kala luqad ayaa maanta waxaa mideyneysa Towxiidka Alle.
Sidoo kale Muslimiinta ku nool Caalamka ayaa maanta oo kale Sagaalka Dulhaj ay sooman yihiin, oo ah Sunno aad u ajar badan, lagana cafinayo dunuubta yar yar ee ay galeen labo sano.
Dowladda Sacuudiga ayaa sanad walba kordhisa adeegyada aas aasiga ah ee xujeyda, waxaana sanadkan la kordhiyay ciidamada ammaanka ee sugaya amniga.

 

Hargeysa Online