Roobab waaweyn oo xalay ka da’ay Somaliland iyo khasaare nafeed oo ka dhashay.
Posted by abdi on September 08 2017 21:49:01

Roobab waaweyn oo xalay ka Da’ayey Somaliland, gaar ahaan goboladda Awdal iyo Hargeysa ayaa la soo sheegayaa inay dhaliyeen khasaare nafeed.


Extended News

Roobab waaweyn oo xalay ka Da’ayey Somaliland, gaar ahaan goboladda Awdal iyo Hargeysa ayaa la soo sheegayaa inay dhaliyeen khasaare nafeed.


Gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka hoos yimaadda Baki waxa uu danab ku dilay laba qof, mid kalena wuu ku dhaawacay, sidoo kale Hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay uu isna danab kale ku dhacay oo uu ku geeriyoodeen hooyaddii iyo laba caruuro oo ay dhashay, halka uu ka badbaaday wiil kii ugu yaraa ee qoyskaasi.

Dhinaca kale, Dooxo Arabsiyo oo uu daad badan ku soo rogmaday ayaa sababay in gaadhi marayey uu qaato, waxaana halkaasi ku geeriyooday dirawalkii gaadhigaasi waddday.

Roobkii xalay ka dayey Somaliland ayaa ahaa mid aan kala qaadin,isla markaana illa xalay Da’ayey, haseyeeshee marka roobabku da’ayaan waxa dadku khasaare nafeed iyo maalba ka soo gaadhaan Dooxyadda oo gaadiidka qaar isku soo qaadaan, taas oo halis galisa gaadiidka iyo dadka saaran.


Hargeysa Online