Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM oo isaga baxay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Posted by abdi on September 20 2017 21:48:21

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada Baardheere.


Extended News

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ku sugnaa magaalada Baardheere ayaa lagu soo waramayaa in ay halkaasi isaga baxeen, ayagoo u jiheystay dhanka degmada Ceelwaaq iyo deegaanada kale ee ku xeeran soohdinta u dhexeeysa Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka gobolka Gedo.



Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax (Koofi) oo la hadlay shabakadda Hargeysa Online ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee mudada dheer ku sugnaa magaalada ay isaga baxeen, waxa uu sheegay in sidoo kale ay raaceen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo kamid ahaa ciidamadii kasoo qeybqaatay howlgalladii shabaab looga xoreeynayay qeybo ka tirsan gobolka.

"Ciidamada Kenya iyo ciidamo Soomaali ah ayaa magaalada ka baxay, waxay u jiheysteen dhanka degmada Ceelwaaq oo maalmihii u danbeeyay ay xiisado ka taagnaayeen, ujeedka bixitaankoodana waa in Shabaab laga sifeeyo deegaanada ku teedsan soohdinta labada dal," ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in magaalada ay haatan ku suganyihiin ciidamada xoogga dalka guutada 9-aad iyo ciidamo AMISOM ah oo ka socda dalka Itoobiya, isagoo sheegay in ammaanka magaaladu yahay mid la isku haleyn karo.

Mar aan weeydiinnay culeyska ay ka bixitaanka ciidamada Kenya ku keeni karto dhanka amniga ayuu yiri "Walaahi wax culeys ah ma jiro, Baardheere ciidamo ku filan amnigeeda waa ay joogaan, wax cabsi ahna kama jirto."

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM ayaa magaalada Baardheere Al-shabaab kala wareegay bartamaha sanaddii 2015, waxaana magaaladu ay kamid ahayd magaalooyinka ugu muhiimsan ee lagala wareegay Al-shabaab.

 

Hargeysa Online