Shirar looga hadlayay Aminiga Soomaaliya oo ka dhacay New York.
Posted by abdi on September 22 2017 21:11:34

Wali waxaa magaalada New York ka soconaya shirarka gooni goonidaa ee uu Raysulwasaare Hassan Ali Kheyre la yeelanayo madax badan.


Extended News

Wali waxaa magaalada New York ka soconaya shirarka gooni goonidaa ee uu Raysulwasaare Hassan Ali Kheyre la yeelanayo madax badan oo ka socota Beesha Caalamka, kuwaas oo ay siyaabo kala duwan u kulmeen, waxaana kulamadaasi ay noqonayaan kuwo Madaxda wadamadu isku arkaan.

Raysulwasaare Kheyre waxa uu la kulmay Wasiirka Arimaha dibada ee China Wang Yi Waxa ay labada Masuul kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka soo jireenka ah ee labada dal u dhexeeya iyo sidii China ay maalgashi ugu samaysan lahayd Soomaaliya, iyada oo ka caawinaysa dowlada Soomaaliya sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd muuqalka iyo bilicda dalka, Labada Masuul iyo wafuudooda ayaa yeeshay shirar albaabadu u xiranyihiin.

Kulan saxaafada loo diiday ayuu Raysulwasaare Kheyre iyo wafdigiisa la qaateen madax ka socota wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo sida xubnaha dowladu noo xaqiijiyeen ka wada hadlay arimo la xariira Xoojinta xariirka wadamadaas la leeyihiin Soomaaliya, Horumarinta howlgalada ka dhanka ah Nabad diidka iyo sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalkooda.

Madaxdii ay la kulmeen wafuuda dowladda Soomaaliya waxa ay qireen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso xaaladihii adkaa ee ay soo martay isla markaana uu muuqanayo isbadal dhaxal gal ah, iyaga oo balan qaaday in ay is garab taagi doonaan dowlada Soomaaliya. 2017922636416396890055681img_5107.jpg

2017922636416397213515601img_5102.jpg

2017922636416398930151762img_5071.jpg

2017922636416399139363270img_4980.jpg

2017922636416399139363270img_4980.jpg

2017922636416400064105122img_4925.jpg



Raysulwasaaraha oo ka hadlay shir ay hogaaminayeen dowladaha Soomaaliya,UK, Talyaaniga, iyo xoghaya guud ee qaramada midoobay ayaa sheegay dowladiisu ay muhiim u tahay kaalinta ay beesha caalamku kaga jirto soo celinta amaanka iyo xasilooni dhab ah oo Soomaaliya ka dhacda, hase ahaatee ay xukuumadiisu xooga saarayso sidii ay u kobcin lahayd dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in ay u furantahay Soomaaliya Maalgashi caalami ah.

Shirarkii uu Raysulwasaaruhu ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa shir looga hadlayay Abaaraha iyo ka hortaga misiibooyinka dabiiciga ah, waxa uuna ka sheegay in Hay'adaha samafalka qaarkood ay sheegaan in aysan ka howlgalikarin ama tagi karin Soomaaliya qataro dhinaca amaankaa oo jira awgood, Taas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa in la samafalo malaayiin dad ah oo u bahan taageero dhab ah.

Waxaa uu xusay in xaalada Soomaaliya ay dhinacyo badan ka soo kabanayso gaar ahaana amniga, loona baahanyahay in aan isha laga fiirsan.

Manta oo Jimcaa ayaa lagu wadaa in uu soo jeediyo Qudbadiisa uu ka jeedinayo shirka Gollaha loo dhanyhay ee Qaramada Midoobay

 

 

Hargeysa Online