Maalqabeyn Bill iyo Melinda Gates oo lacag ugu deeqay 1000 qoys oo sabool ah .
Posted by abdi on September 22 2017 21:22:19

Munaasabadda lacagta qoysaskaa loogu deeqayey waxa ay ka dhacday Xarunta Bill & Melinda Gates Foundation ee New York.


Extended News

Munaasabadda lacagta qoysaskaa loogu deeqayey waxa ay ka dhacday Xarunta Bill & Melinda Gates Foundation ee New York oo madal ilyartu isqabatay ku kulmisay ganacsato waaweyn oo reer Africa iyo caalamkaba ah, hoggaamiyayaal siyaasadeed, hay’ado samofal iyo kooxo mutadawiciin ah oo iskood isu abaabulay, oo hormuud ay ka ahayeen kooxda ku midowdey magaca ‘Love Army’ oo fannaaniin iyo dad magac bulshada ku lihiba isugu tageen. Waxa dhammaan dadkaa kulmiyey dareenka damqashada leh ee dadnimada leh ee ay ka qaateen aafada iyo eelka abaartii raagtey kaga taagtey dadka xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ee reer Somaliland – iyo guud ahaanba Soomaalida.



Waxa iyada oo isha lagu wada hayo min kun Doolar oo Maraykan ah loogu shubay moobayladooda 1000 madax-qoys (head of household) oo hay’adda American Refugee Committee (ARC) iyo Love Army, oo is kaashanayaa, ka soo xuleen dadkii ku tabaaloobey ee ku caydhoobey abaaraha, iyada oo loo soo mariyey adeegga eDahab ee ku shaqeeya isgaadhsiinta SOMTEL. Isugeyn lacagta madashaa laga qaybiyey waxa ay dhammayd hal Malyuun oo Doolarka Maraykanka.



Hoggaamiyeyaasha dhinaca ganacsiga ee lagu casumay madasha waxa ka mid ahaa, Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group.



Mudane Cabdirashiid waxa uu ku tilmaamay suurtagalnimda in isla daqiiqadda la diro lacag ugu dhacayso moobilka loo-diraha mid ay suurtagelisey tiknoolajiyaddu.



“In badan oo ka mid ah ayaa kaameradaha laga daawanayey iyada oo lacagtii ugu dhacayso moobilkooda,” ayuu yidhi, iyada oo, ayuu ku daray, si toos ah loogu jeedo oo marag looga wada yahay.



Waxa u muuqatay, ayuu Cabdirashiid raaciyey, madaxdii madasha fadhidey sida Bill Gates iyo Hoggaamiyeyaashii kale “in haddii tiknoolajiyadda casriga ah la faa’iidaysanayo ay u fududaynayso in iyada oo adeegga eDahab Somtel la isticaamlayo ay akoonkooda isla markiiba lacagtu ugu dhacdo”.



Mudane Cabdirashiid waxa uu xusay in kulankan ka dhacay New York ay goob joog ka ahaayeen madax iyo hoggaamiyeyaal bulsho, ganacsi, siyaasad, fan, haween iyo dhallinyaro, oo laga soo xulay caalamka oo idil, ayna sharaf iyo maamuus gaar ah u tahay in lagu soo casuumo Dahabshiil, uuna aad ugu faraxsan yahay.



Goobihii dadka loo-dirayaasha ah qaybo ka mid ahi isugu yimaaddeen, ee sida tooska ah looga baahinayey, waxa ka mid ahaa Hiddo Dhawr, Hargeysa.



Ilaa 100 qof oo dadka adeegga eDahab ku helay deeqaha Bill & Melinda Gates Foundation u hibeysey ayaa madasha ku sugnaa.



Fu’aad Axmed Nuux, Maamulaha eDahab Somaliland, ayaa ka-soo-qaybgalayaasha u iftiimiyey sida ay ugu suurtagashay adeeggooda inuu si togan oo farxad leh u xidhiidhiyo New York, United States, oo deeq-bixiyuhu ku sugan yahay, iyo goobaha kala duwan ee dadka deeqda ka faa’iidaystay ku kala nool yihiin.



“Waxa aanu hubinnay in loo-dire kasta oo ka mid ah xulka hay’adda ARC iyo Love Army sameeyeen aannu goobtiisa isaga oo jooga siinno moobil uu ku jiro kaadhkii SOMTEL, isla markaana aannu u furno adeegga eDahab – oo ah hawl aan la’aanteed aanay u suurtagasheen in 1000 qoys ilbidhiqsiyo gudahood ku helaan min kun Doollar oo Maraykan loogaga soo deeqay,” ayuu yidhi Fu’aad.



Waxa xusid mudan in qoysaska deequhu soo gaadheen laga soo kala xulay bulshooyinka abaaruhu fara-madhnaan kaga tageen eek u kala nool magaalooyinka iyo Tuulooyinka kala ah:


◾Habaasweyn
◾Ceeg
◾Fadhigaab


◾Oog
◾Caynabo
◾Goljano
◾Adhi Cadeeye
◾Gambadhe

Deeqdani waxa ay ku soo beegantay maalin Qaramada Midoobey la soo gaadhsiiyey warbixin tifatiran oo nuqul-horaad ka mid ah laga shaaciyey magaalada Rome, dalka Talyaaniga. Warbixintu waxa ay hoosta ka xarriiqday in 11% dadka ku nool caalamka guudkiisa oo u dhiganta 815 malyuun oo qof ay sannadkii 2016 la deris ahaayeen oo ay riiqday macaluul, taas oo ka badan 38% dadkii la tabaalaysnaa baahida sannadkii ka horreeyey ee 2015.



Warbixintan oo hordhac u ah sahan ballaadhan oo Qaramada Midoobey ku samaynayso xaaladda cuntada iyo nafaqada ee caalamka (UN global assessment on food security and nutrition), waxa iska kaashaday shan hay’adood oo caalami ah oo kala ah FAO, WFP, UNICEF, IFAD iyo WHO.