Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ku geeriyooday Dalka Hindiya.
Posted by ifraax on September 27 2017 20:24:28

Alla ha u naxariistee waxa xalay wadanka Hindiya ku geeriyooday Xildhibaan Cabdraxmaan Maxamed Maxamuud Talyanle oo xanuun ku soo booday u jiifay wadankaasi.


Extended News

lla ha u naxariistee waxa xalay wadanka Hindiya ku geeriyooday Xildhibaan Cabdraxmaan Maxamed Maxamuud Talyanle oo xanuun ku soo booday u jiifay wadankaasi.


Cabdiraxmaan Talyanle ayaa ka mid ahaa xildhibaanadda golaha Wakiilada mudadda dheer ku jiray, waxaanu ka mid ahaa ragii ka qaybqaatay nabadeynta iyo dib u dhiskii Somaliland, waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, shirgudoonka golaha Wakiiladda iyo gudoomiyeyaasha xisbiyadda ayaa shacabka ka tacsiyadeeyey geeridda marxuumkaasi.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa, Golayaasha Qaranka, Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyaanle) oo ku geeriyooday dalka Hindiya xalay niskii danbe oo ay taariikhdu ahayd 27/09/2017.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Madaxweynuhu isagoo taariikhdii marxuumkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi, aqoonyahan ah door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada nool, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland, mudooyinkii u danbeeyeyna waxa uu ka mid ahaa 82-ka xildhibaan ee golaha wakiilada Somaliland ka kooban yahay, iyadoo lagu xasuusan doono kaalintii geesinimada lahayd ee uu la barbar taagnaa marwalba jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu waxwalba ka horaysiin jiray. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”.

Alla ha u xariistee Marxuum Talyanle waxa uu dhowaan Tartan la gallay gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo uu hal cod kaga badiyey, inkastoo uu khilaaf ka dhashay doorashadaasi ugu dambeyntii way isa saamaxeen labadda masuulba.

Hargeysa Online