Isku Dhac Dhex Maray Ciidamada Amaanka Iyo Dad Shacabka Ah Magaalada Boorama.
Posted by ifraax on September 27 2017 20:52:08

khasaare Dhaawac ayaa ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada amaanka iyo dad shacab ah magaalada boorama ee xarunta gobolka Awdal.


Extended News

khasaare Dhaawac ayaa ka dhashay ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada amaanka iyo dad shacab ah magaalada boorama ee xarunta gobolka Awdal.


Iska hor imaadka ciidamada iyo dadka shacabka ah ayaa keenay inay dhaawacmeen laba qof oo rayid ah iyo hal askari. Sida ay sheegayaan Wararka ka soo baxaya Magaalada Boorama Muranka dhul laysku haysto oo ku yaala magaalada Boorama ayaa keenay inay isku dhacaan ciidamada amaanka iyo qoys dagan goobta lagu haysto.

Agaasimaha cusbitaalka Boorama Dr. Ismaaciil ayaa Warbaahintau sheegay  in dhakhtarka la keenay dhaawaca sadexdaas qof isla markaana aanay jirin wax kale oo soo gaadhay.

 

Hargeysa Online