Mareykanka oo kordhiyay duqeynta cirka ah ee lagu beegsanayo Al-shabaab.
Posted by ifraax on November 14 2017 11:55:58

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada Cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo Ururada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.


Extended News

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada Cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo Ururada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.


24 saac ee la soo dhaafay  Mareykanku waxaa uu gudaha dalka Soomaaliya uu ka geystay Saddex weerar oo duqeyn cirka ah oo lala eegtay Al-shabaab iyo Daacish.

Weerarradii ugu dambeeyay ee Maraykanku uu ka fuliyay Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb-qaatay ciidamada dowladda Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababar.

Weerarka hore ayaa dhacay Sabtidii waxaana diyaaradaha Mareykanka ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab sida ay xaqiijiyeen taliska Mareykanka ee Africa, waxaana uu ka dhacay meel u dhow Buulo Gaduud, oo ku dhawaad 250 miles dhinaca Koonfur Galbeedka ka xigta caasimada Muqdisho.

Weerarka ila maalintii Sabtidii waxaa uu ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose meel magaalada Muqdisho u jirta 40 miles .

Halka weerarka Saddexaadna uu dhacay  Axadii la soo dhaafey kaa oo lagu bartilmaameedsaday Ururka Daacish ee ka dagaalama Puntland.

Mareykanka ayaa u muuqda mid gacan militari ku siinaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Hargeysa Online