Ra’iisal wasaare Kheyre oo gaaray magaalada Baraawe.
Posted by ifraax on November 15 2017 21:30:25

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


Extended News

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo socdaalka Ra’iisul Wasaaraha la xiriira arrimaha howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.


Kheyre waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo saacado ka hor halkaa gaaray.


Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa isna ka mid ahaa wafdiga gaaray Baraawe.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmi doona Saraakiisha ciidamada, maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwna ee bulshada, isagoo kala hadli doona howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada gobolka.


Al-shabaab ayaa ka hor tagista ra’iisal wasaaraha la sheegay in ay madaafiic ku gaaraaceen qeybo ka mid ah degmada.


Hargeysa Online