Guddida Doorashada Oo Ka Jawaabay Cabasho Ay Gaadhsiiyeen Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani.
Posted by ifraax on November 16 2017 00:11:18

Guddida doorashooyinka somaliland ayaa ka jawaabay cabasho uu muujiyey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.


Extended News

Guddida doorashooyinka somaliland ayaa ka jawaabay cabasho uu muujiyey xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.


GudoomiyeGudoomiyaha guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay inay ka hawl galeen cabashada uu af ahaan u soo gaadhsiiyey xisbiga mucaaridka ah Waddani waxaanu yidhi “Waxa noo timid cabasho af ahayd oo aan qoraal ahayn taas oo nooga timid madaxda sare ee xisbiga Waddani oo uu hogaaminayo Murashax Cabdiraxmaan Cirro  taas oo ahayd waxaanu walaac ka muujinaynaa ama cabasho ka qabnaa gobolka Gabiley, anaguna komishan ahaan waxaanu jecelnahay inaanu soo taabano meeshii cabasho nooga timaado intay noqon lahayd inaanu warka qaadano.”ayuu yidhi gudoomiye Cabdiqaadir oo u waramay HCTV.

Cabdiqaadir Iimaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Aniga iyo Siciid Cali Muuse ayaa u baxnay gobolka Gabiley waanan ka soo noqonay,doorashadana waxa hagaa waa xeerar waliba wakhtigan oo kale, xeerarkana waanu wada haynaa oo xisbiyadu way wada haystaan anaguna waanu haynaa, waxaana jira xeerkii anshaxa ee aanu kala saxeexanay, bal dib ha loogu noqdo oo hala darso oo hala eego oo hala fahmo, markaa ilaa hada maanu arag wax jabiyey xeerarkii u yaalay doorashada madaxtooyada iyo golaha deegaanka ee xeerka LR 20, sidoo kale maanu arag wax jabiyey xeerka anshaxa ee aanu kala saxeexanay xisbiyada.”

 

 

Hargeysa Online