Waanu Haynaa Natiijadii Doorashada, Waana La Ogyahay In Shacabku U Codeeyey Isbedel
Posted by ifraax on November 16 2017 22:18:43

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa digay cawaaqib xumo ka dhalan karta hadal ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye.


Extended News

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa digay cawaaqib xumo ka dhalan karta hadal ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Afhayeen Buubaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay sheegay inuu xisbiga Kulmiye iska sheegtay guulo aan loogu dhawaaqin waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay guddida doorashada arimaha uu xisbiga kulmiye ku dhex jiro ee uu habeen iyo maalinba la dhex fadhiyo baraha bulshada imikana uu saxaafada sida badheedhka ah  ula soo hor fadhiistay inuu sheegto guulo aan loogu dhawaaqin, waxaanu leenahay arintaasi waa mid keeni karta nabad galyo daro,  waa mid isku dhac keeni karta, bulshadana iska horkeeni karta, waana arin wiiqi karta nidaamkii quruxda badnaa ee inoo soo dhamaaday, waanan uga digaynaa.”

Afhayeen Ibraahin Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay hayaan natiijada doorashada balse ay sugayaan guddidii u xil saarnayd inay ku dhawaaqdo waxaanu yidhi “Waanu haynaa natiijooyinkii cidii guulaysatayna waa la og yahay laakiin waxaanu sugaynaa sida sharcigu dhigayo guddida doorashooyinka qaranka oo shaacin doona natiijada mana jeclin inaanu ka hor dhacno, waxaanu se u digaynaa qolyaha saxaafada la soo hor fadhiistay ee bulshada horteeda ka sheeganaya qaraxyo iyo guulo, waa la ogyahay in umada somaliland u codaysay isbedel, anaga oo ixtiraamayna nidaamka inoo dajisan iyo sharcigaba  sidii lagu yaqaanay xisbiga Waddani oo  ilaalinayna sharciga ma jeclin inaanu ka hor dhacno guddida doorashada.


Hargeysa Online