Xog Sir ah aanu helnay in ay Kominshanka doorashada Somaliland ay laaluush qaateen min $100.000
Posted by abdi on November 17 2017 23:50:23

Xog Sir ah ay heshay shabakada Caalamiga ah ee Hargeysa Online ayaa sheegaya in aanu helnay Xog sir ah taasoo cadeynaysa in ay qaateen lagaco laaluush ah..


Extended News

 

Xog Sir ah ay heshay shabakada Caalamiga ah ee Hargeysa Online ayaa sheegaya in aanu helnay Xog sir ah taasoo cadeynaysa in ay qaateen lagaco laaluush ah lacagahaas ayaa la sheegay in ay bixiyeen dowlada iyo qoyska madaxweyne siiraanyo iyo xisbiga kulmiye waxaa laaluushkaa loo siiyey kominshanka doorashada in ay hakad galiyaan ku dhawaaqista natiijada doorashada iyo in ay ka been-sheegaan codadka la kala helay.


waxaa intaa kaloo ay ku soo waramayaan Wariyaasheena qarsoon ee ku sugan magaalda Hargeysa in ay xisbigu kulmiye ay ku shubteen waraaqo been abuur ah iyo caruur da' yar in ay ku qasbeen in ay codeeyaan magaalada Gabiley.

lacagaha ay qaateen gudida doorashadu waxaa si toos ah aanu  u xaqiijiney in la-siiyey.

1-Saciid cali muuse $100.000

2-Cabdiqaadir iimaan $100.000

waxaa weli ku guda jirnaa baadhistii aan ku heynay gudida doorashada  weliba waxaanu goordhow idiin soo bandhigi doonaa sawiro iyo video iyo codad xaga telephonka ah oo laga duubey arintan.

23473275_825484617634155_445504338305605625_n.jpg

23519163_825484507634166_1238402602994162122_n.jpg

23659359_825484644300819_1686633378841638468_n.jpg

By Wariyayaasha Qarsoon ee Hargeysa Online

Hargeysa ,Somaliland