Madaweyne Siilaanyo oo ku baaqay in aan la sheegan guul ka hor natiijada guddiga doorashada.
Posted by abdi on November 19 2017 22:11:23

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ugu baaqay Xisbiyada in ay ilaaliyaan xasiloonida.


Extended News

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ugu baaqay Xisbiyada in ay ilaaliyaan xasiloonida, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara kicin iyo iska horkeen bulsho.


Siilaanyo ayaa dhinaca kale faray Xisbiyada ku tartamay doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliland midna ku dhawaaqin guul doorasho ilaa laga helayo natiijada ay soo saaraan guddiga loo idmaday qabashada doorashada.

‘’Waxaan ugu baaqayaa hay’addaha Amniga in ay dabagal buuxda ku sameeyaan cid kasta oo ku howlan hurinta colaad sokeeye ayuu yiri madaxweynaha kursiga sii baneynaya ee Soomaaliland Axmed Siilaanyo.

Wali soo bixin natiijada doorashada Isniintii todobaadkii hore ka dhacday Soomaaliland oo ay dadku ku soo dooranayaan madaxweynahoodii Shanaad tan iyo markii uu maamulkaasi ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale 1991kii.

Dhawaan waxaa qeyb ka mid ah deegaannada Soomaaliland ka dhacay dibadbaxyo dhimasho sababay oo dhiggeen taageerayaasha Xisbiga WADANI oo shaki badan ka muujiyay sidda loo waddo tirinta codadka la dhiibatay.


Hargeysa Online