Wasiiradda madaxtooyada oo ka hadlay waxyeeladdii ka dhalatay rabshadihii Hargeysa iyo Burco ka dhacay.
Posted by abdi on November 19 2017 22:22:22

Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixiyey dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay rabshadihii ka dhacay xaafado ka tirsan Burco iyo Hargeysa.


Extended News

Xukuumadda Somaliland ayaa ka warbixiyey dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay rabshadihii ka dhacay xaafado ka tirsan Burco iyo Hargeysa oo dhimasho iyo dhaawacba keentay.


Wasiiradda madaxtooyada, duulista iyo arrimaha dibada ayaa cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa ku soo booqday dadkii waxyeeladdu ka soo gaadhay rabshadihii ka dhacay Hargeysa iyo Burco ee ay iskaga hor yimaadeen taageerayaal ka tirsan xisbiga WADANI iyo ciidanka Amaanku.

“Rabshadihii ka dhacay xaafado ka tirsan Hargeysa iyo Burco waxa ku geeriyooday sadex qof, waxana ku dhaawacmay 19 askari iyo sideed shacab ah, waxaana askarta lala dhacay dhagaxaan, halka askari ka mid ah guri laga soo dhex toogtay oo lugta kaga dhacday xabaddii”ayuu yiri wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inuu cisbitaalka ku soo arkay wiil xabad lagu dhaawacay oo dhalinyaro isku khilaafta siyaasadda uu mid ka mid ah xabad ku dhuftay kii wax toogtay markiiba la qabtay.

“dadkan dhaawaca ee aanu soo booqanay waxa isna ku jira hal qof oo saddex dhalinyaro ahi oo meel wada joogtay murmeen siyaasada iyo xisbiyada ay kala taageersan yihiin, ka dibna mid ka mid ah xabad ku dhuftay oo uu dhaawacyahay, kii ku dhuftay ee ninka dhaawacayna wuu xidhan yahay”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Saddexdan marxuum ee geeriyootay waxaa ku jirtay hooyo caanno-ley oo meel ka fog goobta uu qasku ka taagnaa joogtay oo xabad habow ahi ku dhacday sidaasna ku geeriyootay.

 

Hargeysa Online