Muuse Biixi oo ku guuleystay doorashadii Somaliland.
Posted by abdi on November 21 2017 20:36:10

Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye.


Extended News

Guddida Doorashada ee Somaliland ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan.


Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19% codadkii la dhiibtay..

Muuse Biixi oo sanadihiisa lixdamaadka ku jira ayaa noqonaya madaxweynihii shanaad ee Somaliland, isagoo ka guuleystay laba murashax oo kale oo u ordayay xisbiyada Ucid iyo Wadani, Feisal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro, oo isagu shalay sheegay in doorashada qaabkii ay u dhacday aanu ku qanacsaneyn.

Murashaxii Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro waxa uu helay 40.73% Murashixii Xisbiga Ucid, feysan Cali warabana uu helay 4.17%.

Hargeysa Online