Dowladda Mareykanka oo kordhisay howlgalkeeda gudaha dalka Soomaaliya.
Posted by abdi on November 21 2017 21:05:27

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay howlgalkeeda iyo ciidamada ka jooga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda Daacish ee ku sugan.


Extended News

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay howlgalkeeda iyo ciidamada ka jooga Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sidoo kale kooxda Daacish ee ku sugan gobollada Bari ee Soomaaliya.

 

Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee joogga Soomaaliya la gaarsiiyay Meeshii ugu sareysay .

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ciidamada dowladda Mareykanka howlgalada ay ka fuliyaan Soomaaliya in ay noqdeen kuwo badankood guuleystay.

Waxaa ay sheegtay in ku dhawaad 500 oo askari la gaarsiiyay sanadkaan Ciidamadeeda howlgallada gaarka ah ka fuliya Soomaaliya.

War laga soo xigtay wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu balaariyay Qorshaha dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah ee ku sugan Geeska Africa.

Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya, waxaana xusid mudan in bishaan ay fulisay in ka badan 5 weerar saddex ka mid ah ay dhaceen 24 saac gudahooda.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in ay ka go’an tahay dagaalka Kooxda Daacish ee ku sugan degaanada maamulka Puntland iyo Al-Shabaab.

 

Hargeysa Online