Doorashada Soomaaliland waxaa ka muuqatay Ilbaxnimo & isku dulqaadasho siyaasadeed.
Posted by abdi on November 22 2017 06:00:00

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa ku tilmaamay doorashadii Somaliland mid ay ka muuqatay isku dulqaadasho siyaasadeed


Extended News

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa ku tilmaamay doorashadii Somaliland mid ay ka muuqatay isku dulqaadasho siyaasadeed iyo Ilbaxnimo, isaga oo bogaadiyay madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.


‘’Waxaa rabaa Anniga oo ka faa’ideysanaya in ay hambalyeeyo shacabka Soomaaliland iyo madaxweynaha la doortay intaba, waxaan leeyahay waxaad muujiseen Ilbaxnimo siyaasadeed oo ku dasho mudan ayuu yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Khadar ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen shacabka Somaliland tahay guul u soo hooyatay dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed iyo cashar wax badan laga baran karo, madaama Soomaaliya ay ku soo fool leedahay sida uu hadalka u dhigay doorasho Qof iyo Cod ah.

‘’Waxaan dhihi karnaa habka ay doorashadu u dhacday waa guul u soo hooyatay umadda Soomaaliyeed iyo cashar wax badan laga baran karo, maadama Annaga ka xukuumad ahaan iyo baarlamaan ahaan intaba u diyaar garoobeyno in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah ayuu yiri’’ ra’iisal wasaare ku-xigeenka.

Doorashada 13kii bishan ka dhacday Somaliland oo noqoneysa tii Shanaad oo ay shacabku soo doortaan madaxweynahooda ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay beesha caalamka.

 

Hargeysa Online