Madaxweynaha cusub ee la doortay Muuse Biixi oo si kadis ah meel fogaaro ah kula kulmay Cabdiraxmaan Cirro.
Posted by abdi on November 23 2017 23:31:30

Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii ugu horeysay si kadis ah kula kulmay goob fagaare ah.


Extended News

Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii ugu horeysay si kadis ah kula kulmay goob fagaare ah gudoomiyaha  xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro.


Madaxweynaha la doortay iyo musharaxii doorashadda lagaga adkaaday ayaa isku arkay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyey marxuun Axmed Yaasiin Gabi-Xadi oo ka mid ahaa odaayashii magaaladda Hargeysa.

Madaxweynaha la doortay ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo hogaaminaya masuuliyiinta xisbigiisa ayaa dareen farxadeed ku qaabiley hogaamiyaha xisbiga WADDANI, waxaanay u muuqdeen kuwo iska masaxayey cadhadii ololaha iyo dhiiftii ay keentay natiijadii Doorashaddu.

Muuse Biixi iyo C/raxmaan Cirro ayaa ololihii ugu adkaa dhexmaray,islamarkaana ololo kulul is dhaafsan jiray wakhtigii ololaha lagu jiray, taas oo keentay inay aad u kala fogaadaan,isla markaana taageerayaashoodu aad u kala fogaadeen.

Madaxweynaha cusub waxa laga filanayaaa inuu isku keeno dadkii siyaasaddu kala qaybisay ee aadka u kala fogaaday, waxaana hor yaala caqabado badan oo muddo qaadanaysa in la xaliyo.


Hargeysa Online