Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir.
Posted by ifraax on January 21 2018 22:10:38

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhaw wareegto uu soo saaray u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir.


Extended News

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhaw wareegto uu soo saaray u magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo horay u ahaa Wasiirka Warfaafinta, iyadoo dhamaan xilalka laga qaaday xubnihii hayay xilka Guddoomiye ku-xigeenada iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka.


Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo

-Markuu arkay soojeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka& Dib-u-heshiisiinta;

Markuu wadatashi la sameeyey, islamarkaasna dhageystey talooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya;

Madaxweyahu waxuu shaqsiyaadka hoose u magacaabay xilalkakala ah:

Maxamed Cabdullaahi Maxamed waxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Amniga iyo Siyaasada;

Hussein Mohamed Nurwaxaa loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka 2aad eeMaamulka&Maaliyada;

Xil ka qaadistan ayaa imaneysa kaddib khilaaf xoogan oo soo kala dhaxgalay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed iyo madaxtooyada Soomaaliya.

 

Hargeysa Online