Al-shabaab oo la sheegay in ay saldhigyo ku leeyihiin dalka Tanzania.
Posted by ifraax on January 21 2018 22:24:45

Dowladda Tanzania markii ugu horeysay waxaa ay sheegtay in xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.


Extended News

Dowladda Tanzania markii ugu horeysay waxaa ay sheegtay in xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya in ay saldhigyo ciidan iyo xarumo dadka lagu tashkiiliyo  ay waddaan qorshe ay ka sameynayaan dhulka Keymaha ah ee ku yaalla gudaha Tanzania.


Xukuumadda Tanzania waxaa ay xustay  in tan iyo 2016-kii Al-shabaab ay dhalinyaro ka qoranayeen daafaha magaalada xarunta ah ee Daar- Salaam.

Dowladda ayaa sidoo kale tilmaamtay in Al-Shabaab ay dhalinyaro badan ku tababareen Gudaha dalkaasi, kuwaasoo ay doonayaan in ay weeraraan xarumaha dowladda.

Simon Sirro Taliyihii hore ee booliska magaalada Daar- Salaam  ayaa sheegay in dhawr jeer ay weerareen saldhigyo ay Al-shabaab ku leeyihiin degaannada baadiyaha ah gaar ahaan dhulka, waxaana uu sheegay in ay gaarsiiyeen khasaarooyin kala duwan.

Waxaa uu xusay in booliska Daar -Salaam ay gacanta ku dhigeen wiil 9 jir ah oo ay ka qabteen Xero ay ku weerareen Al-shabaab.

Dowladda Tanzania ayaa dhowr jeer sheegtay in weerarro ka dhacay gudaha dalkaasi ay ku tuhmeyso Al-Shabaab.

 

Hargeysa Online