Horumarinta Beeraha Somaliland.
Posted by ifraax on January 21 2018 22:37:14

Waxaan internetka ka dalacday wasiirka beeraha Somaliland, Md Axmed Muumin Seed oo iskugu yeedhay aqoon yahanada ku xeel dheer beeraha.


Extended News

Waxaan internetka ka dalacday wasiirka beeraha Somaliland, Md Axmed Muumin Seed oo iskugu yeedhay aqoon yahanada ku xeel dheer beeraha,


waxaanu ka codsaday in ay ka soo talo bixiyaan sida kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka beeraha Somaliland.
Anigu waxaan ka mid ahay dadka jecel maal gashiga beeraha. Haddaba, beeraha waxaan u qaybin lahaa laba, kuwo yar yara oo biyaha roobka lagu beero ama ceel gacmeed loo qodo, oo qof ama qoys kala soo baxo nolol maalmeedkooda. Iyo beero waawayn oo dhaqaalo badan ku baxaan, oo dawladi hirgaliso, ama qof lacag lehi maal gashado ama dad ku shuraakooban.
Haddaba, haddii uu shirkani ahaa sida wax soo saarka Beeraha kor loogu qaadi lahaa, waxaan doonaya in aan fikir kayga ka dhiibto. Tilmaamana sida degmooyinka dalka looga hirgalin karo mashruucyo Beera oo waawayn, kuwaasi oo kor u qada wax soo saarka beeraha dalka.
In beer la hirgaliyo waxay u bahantahay, dhul ciid fiican leh, biyo iyo shaqaale aqoonta beeraha leh. Mashruuca beeraha aynu rabno in aynu dalka ka hirgalino waa in ay noqdan beero waawayn oo biyaha loo qabto ama ceel riiga loo qodo. Mashruuca beeraha aynu doonaynaa waxaa u bahan yihiin cagaf cagafyo, baabuuro iyo guryo shaqaaluhu seexdan.
Sida daradeed, mashruuca beeruhu waxuu ku kacayaa dhaqaalo badan. Sida aynu ka war hayno, dawladeenu ma haysato dhaqaalo ay ku hirgaliso mashruucyadani oo kale. Dalkeenu ma haysto aqoonsi calamaya, oo bangiyo iyo hay’ado calamiya ku maal gashadan. Marka, waa aynu inagu isu tashano oo aynu maal gashno dalkeena. Illahay waxaa uu Somaliland siiyay maal qabeeno badan oo dalka jooga iyo kumanaan qurba joog oo haysta hanti ay ku maal gashadan dalkooda, kuna hirgaliyana mashruucyo beero oo waawayn.
Marka, dawlada waxaa laga rabaa in ay fudidayso siddii dadku isu kashan lahaayeen, una hirgalin lahaayeen mashruucyo horumarineed. Sida daradeed, waa in dawladu samayso habkii ay muwadiniyiintu dalkooda ku maal gashan lahaayeen.
Haddaba, haddii ay inaga dhab tahay wax soo saarka dalaga beeraha in aynu kordhino, waxaa loo bahan yahay shir ka sal balaadhan hal wasarad. Waa in la qabto shir wayn oo loogu magac daro “SHIRKA HORUMARKA BEERAHA SOMALILAND”. Shirkana waa in ay ka soo qayb galan lix wasaradood iyo Bangiga dhexe. Wasaaradahani oo kala ah:
Wasarada Beeraha.
Wasarada Biyaha.
Wasarada Maaliyada.
Wasarada Maal gashiga.
Wasarada Bayac mushtariga. Iyo
Wasarada qorshaynta.
Lixdan wasaradood iyo Bangiga dhexe waa in ay sameeyan gudi khubaro ah oo isku dhafa, oo ka soo tala bixiya sida dalka looga hirgalin lahaa mashruucyo beereed oo dhulka ay ku fadhiyaan uu ugu yaran yahay 1000 hector. Sidoo kale:
Wasaarada beeruhu waa in ay sahamiso degaanada ciid fiican, oo wax lagu beeri karo leh.
Wasaarada biyuhu waa in ay hibiso deganka mashruucan beeruhu laga hirgalinayo inuu biyo ku filan leeyahay. Biyuhu waxay noqon karaan biyo bali, ama biyo-xidheen lagu qaban karo, ama biyo dhulka hoostiisa ku jira oo ceel riiga loo qodi karo.
Wasaarada Maaliyada waa in ay bixiso dhaqaalaha hor dhaca ah ee lagu hawl galinayo mashruucani.
Wasaarada maal-gashigu waa in ay samayso sharciyada uu u bahan yahay mashruucayada la wada leeyahay (corporate law). Sharci dhiiri galiya, kalsoonida dadka maalgashanaya kor u qaada. Dawladu waa in ay daman qado ilaalinta hantida dadka mashruucyadani maal-gashada. Isla markana, dadka dhulka iska xidhayna lagu dhiiri galiyo in ay dhulkooda kula shuraakooban. Shaqalaha ka shaqeeyan mushahar iyo sami laga siiyo.
Wasaarada bayac mushtarigu waa in ay isku keento dadka doonaya in ay mashruucyadani maal gashadan. Dadka maal gashanaya waxay noqon karaan tijaarta, shicibka, iyo qurbo joogta Somaliland.
Wasaarada qorshayntu iyada oo wafajinaysa qorshaha shanta sano ee qaranka, waa in ay la xidhiidho hay’ada calamiga, sida World Bank, UN iyo kuwa kale ee dhaqaale iyo aqoon inagu biirin kara. Isla markana waydiisato in ay maal-gashiga iyo hirgalinta mashruucyadani inaga cawiyan.
Bangiga dhexe waa inuu abuuro bangiga horumarinta dalka (ama qaybta, horumarinta beeraha). Bangigani oo ah bangi maal-gashi (ama investment bank), oo dadku leeyahay, oo uu samiyo ka iibsan karaan, soona xushan gudi maamula (ama Board of directors).
Barigii hore, dawlada ayaa dhulka badankiisa lahaan jirtay, lakiin iminka dadka degan ayaa meelkasta xidhay, intooda badani cashuur ma bixiyaan, mana beertan, lakiin waxay ka dhigteen dhulkii bayac mushtari. Haddaba, haddii uu jiro dhul ay dawladu leeday waa in laga hirgaliyo mashruucyadani. Haddii kale, waa in laga iibsado dadka dhulka leh ama lagula shuraakoobo.
Haddaba, marka dadka deganku laga helo ogalaansho waa in bangigu qiimayo dhaqalaha ku baxaya mashruuca, ama ‘feasibility study’ ku samaynayaa. Isaga oo eegaya:
Qiimahani dhulka, biyaha, iyo qalabka. Dalaga beerta ka soo bixi kara inta uu noqanayo, suuqa loo iib gaynayo. Wakhtiga ay qadanayso inuu mashruucani isku bixin karo iyo wakhtiga kharashkii galay ka soo bixi karo (Haddii Eebo ka dhigo).
Haddaba, marka uu bangigu ku qanco feasibility study-ga, ayuu samiyo (shares) u qaybinayaa. Marka laba mid ayay noqonaysaa:
Inuu bangigu hirgaliyo mashruuca. Kala badh oo badh (ama 50%) bangigu saarto macash macquula, kadiban ka iibiyo dadka deganka, iyo qurbo joogta deganka. Hafka kalena bangiga la hadho, sidaana bangiga iyo dadka deganku ku wada yeeshan mashruuca. Ama
Inuu bangigu ka codsado dadka daganka iyo qurbo joogta deganka, in ay la yimada kala badhwo badh (ama 50%) kharashka ku baxaya mashruuca. Marka ay dadka deganku la yimadan halfkooda, kadibna uu bangi maal gashado hafka kale, mashruucuna sida lagu hirgalinayo. Sidaana bangiga iyo dadka deganku u wada yeeshan mashruuca.
Nin aanu saxiib naha oo dadka Somaliland ka soo jeeda ee dega dalka Tansaniya ah, ayaa waxuu iiga sheekeeyay dhacdo ku dhacday reerkooda. Sheekaduna sidan ayay u dhacday:
“Waxaanu Tansanaya ku lahayn beer wayn oo kun iyo dheerad hector ah (In ka badan 1000 Hector). Markii ay Tansaniya qaadatay habka shuuciga ayaa waxaa dawladu la wareegto beerihii waawayn ee dadku lahaa yeen. Beertii aabahay waxaa laga dhigay beero yar-yar oo loo qaybiyay dadkii deganka. Haddaba, aabahay markii beertii uu ku soo tabcay laga qaday, ayuu go’aansaday inuu Tansaniya ka guuro. Cagafyadii iyo qalabkiisii beertu lahaydna meel ayuu ku xaraystay. Mudo markii uu joogay ayuu waxaa uu arkay dadkii dhulkiis la siiyay oo beerihii ay isla kadeedsanyihiin. Dadkii deganka oo madaraqyo ku qodaya dhulka, oo maalin iyo habeen shaqaynaya, oo dalaga usoo go’aana aanu dhaafin dhawr jawaan ooy quutan. Markaasi ayuu aabahay fakiray, waxaanu iskugu yeedhay dadkii dhulkiisa la siiyay. Waxaanu u soo jeediyay inuu dhawrka jawaan ee usoo go’a inuu laban laabkiis siin doono, haddii ay u ogaladan inuu isagu beerahooda (beertiisa hore) beerto, iyaguna waxba ayna qaban. Dadkii deganku way ku qanceen fikirkiisii, sida ayayna kula heshiiyan. Aabahay, beertiisa hore labadeed ayuu beeri jiray, dalaga aan soo saari jirnay laban laab ayuu noqday, lacagtii aanu hore uga samaynayna jirnay labadeed ayaanu ka samayn jirnay.”
Haddaba murtida sheekadani waxay tahay:
a) Haddii ay dawladu qadato siyaasada qaldan, waxay waxyeelo ku keenaysaa horumarka dalka (ama beeraha).
b) Haddii qofku si fiicana u isticmaalo maskaxdiisa, caqabad kasta wuu ka gudbi karaa.
c) Aqoonta beeraha iyo maal gashiga waa sida kaliya ee lagu horumarin karo beeraha iyo dalkaba.
Haddaba, waxaan ku soo gunaanadayaa, dadkeenu waxay jecel yihiin in ay tartaman. Marka horumarka iyo maal gashiga ha ku tartaman. Waxaan qabaa in degmo kasta mashruucyo beero oo waawayn laga hirgalin karo, degmo kasta ay degmada ku xigta la tar tami doonto. Taasina ay dhalin doonto in dalaga beeruha ee dalka ka soo baxaa inuu dalka ku filnaado iska daye, aynu dhoofin doono. Teeda kale, haddii degmo kasta laga hirgaliyo mashruuc beero oo wayn wayn waxaa ka faa’iidaya dadka beeraha yar-yar leh ee deganka ku nool. Dadka deganku waxay ka koradhsanayaan aqoonta beeraha, waxay la isticmali karan qalabkooda, waxay ka heli karaan maalgashi iyo iskashi. Mashruucyadani waxay kor u qaadi doonan dhaqaalaha dalka, dhalin yarada shaqada la’na shaqooyin ayay ka heli doonan. Marka haddii Xukumada cusubi diyaar u tahay horumarka dalka iyo beeraha, waa in ay sameeyan shirar laga hadlayo arimahani iyo kuwo la mida, oo siddii xukuumadihii hore iska dayso shirarka i-arkaaga ah (ama photo op ah).

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!
OMAR A. YOUSUF OAKLAND, CALIFONIA
DALAYADA “DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST)
WWW.SOMALILANDFIRST.COM