Xukuumada Somaliland oo baaq nabadeed u diray labadda beelood ee ku diriray gobolka Sanaag.
Posted by abdi on January 23 2018 22:13:47

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa si adag uga hadlay shaqaaqaddii ka soo cusboonaatay degmadda Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.


Extended News

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa si adag uga hadlay shaqaaqaddii ka soo cusboonaatay degmadda Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, taas oo laba beelood oo daris ahi isku dileen.


Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in aan loo dul qaadin Karin in dhiig muslimiin ahi uu si dhibyar iskaga daato, waxaanu sheegay in aanay suurogal ahayn in labadda beelood la kala Raro balse ay isku qasban yihiin inay ku heshiiyaan dantooda maadaama oo waligoodba ay noloshoodu isku xidhnayd.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in konton ku dhowaad ay dhimasho iyo dhaawac noqotay, waxanu sheegay in ciidamo boolis iyo Militariba loo kala direy,isla markaana madaxweyne ku xigeenkii Cabdiraxmaan Saylici uu ku soo fooleeyahay deegaankan dirirtu ka dhacay si uu heshiishiintoodda uga qaybqaato.

“Waxa lagama maarmaan ah oo qasab ah in shaqaaqadani halkaasi ku eekaato oo colaad dambe oo sababtay dhimasho iyo dhaawac badan keenta aanay ka dhicin, waxa meeshaasi ka dhacday dhaawac iyo dhimasho faro badan oo konton wax ka yar ayaa dhimasho iyo dhaawac noqotay.”ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Dhinaca kale, gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in labaddii sanadood ee u dambeeyey isku noqnoqonayeen labadan beelood, waxaanu sheegay inay Caqli ay ku kala tagaan yeelan waayeen ee ilaahay ka baryeyaan inuu quluubtoodda isku keenno oo ay heshiiyaan.

“waxay isku dilayaan waa qabyaalad qadhmuun, waxaanay inaga codsadeen in aan hadal loola tagin ee tallo adag iyo in xoog lagu muquuniyo lagu joojiyo dirirta, marka tay doorteen ayeynu yeeli, ilaahayna samir iyo iimaan ha inaga siiyo inta dhaawacmayna ilaahay ha caafiyo”ayuu yidhi gudoomiyaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan.

Dirirtan labadda beelood waxa ku geeriyooday dad ku dhow labaatan qof, halka sodomeeyo qofna  ku dhaawacmeen.

 

Hargeysa Online