Labo Wiil oo Soomaali ah oo xalay lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada.
Posted by abdi on January 23 2018 22:26:40

Labo Wiil oo Soomaali ah ayaa la dilay Labo kalana waxaa soo gaaray dhawac halis ah kaddib toogasho xalay ka dhacday xaafadda Etobicoke ee magaalada Toronto.


Extended News

Labo Wiil oo Soomaali ah ayaa la dilay Labo kalana waxaa soo gaaray dhawac halis ah kaddib toogasho xalay ka dhacday xaafadda Etobicoke ee magaalada Toronto dalka Canada.


Ciidamada Booliiska ayaa xiray goobta ay toogashada ka dhacday, waxaana la sheegay in labada ruux kale ee dhaawacu soo gaaray oo mid ka mid ah uu Soomaali yahay ay wajahayaan xaalad adag oo caafimaad.

Dhakhaatiirta Toronto ayaa xaqiijiyay in labada Wiil ee Soomaalida ah isla goobta ku dhinteen, halka labada kalana la dhigay goob caafimaad xalaadooduna tahay mid khatar ah.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal sanadihii ugu danbeeyay soo noqnoqday oo ka dhacay dalka Canada kuwaa oo galaaftay nolasha dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

 

Hargeysa Online