Warsaxaafadeed kuna wajahan ceel-afwayn baaq nabadeed beelaha walaaha ah ood wadaagi ab ka dhow.
Posted by abdi on January 28 2018 23:29:57

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan ceel-afwayn.


Extended News

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan ceel-afwayn baaq nabadeed beelaha walaaha ah ood wadaagi ab ka dhow,hooyo lammaan.

Ku: Dawlada Somaliland.
Og: golayaasha qaranka.
Og: Xisbiyada qaranka.
Og: Shacabka reer Somaliland.
 Og:Culimada reer Somaliland
Taariikh: 25/1/2018.
Ujeeddo: ilaalinta nabadda,beesha  
labada beelood ee walaaha ah beelana isugu xiga waxaa la gudboon in ay aayahooda  iskaga ciyaarin kana dheraadan wax kasta oo mustaqbalkooda dhibaato u keenaya dagaalkana ku beddelaan in ay ka faaiidaystaan wax soo saar sameeyaan dalkana wax u tara iyagana wax u ay uga faaiidaysan karaan si halkaas kalgacal uga yimaaddo, ma aha laba beelooda ee waa isku beel keliya beelina ma kala guulaysato waa kugu dhimay oo kaa dhimay waxaa wanaagsan in uu caqliga wanaasani shaqeeyo dhibaatadana wanaag lagu beddelo kana shaqaysaan wax wax idiin tara odaayaashana kama dhamman caqligi waxaa u wanaasan  in ay kulmaan dawladduna waajibkeeda iyo xilka saaran gudato.
Cadho walaal waa bariiya.
caano daatayba dabeed la qabay dhibta dhacday yaan dhib lagu darin.
walaalkaa cadawgaaga maaha nabad laguma doorsado colaad.
waxaanu soo jeedin lahayn in hablo la isugu abaalgudo.
kuwii horena la xushmeeyo beesha ku kala jira.

Deeq Cabdi Digale