Qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM
Posted by ifraax on February 02 2018 22:40:16

Warar ka soo baxay Qarax miino oo Waqooyiga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe lagula eegtay ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM.


Extended News

Warar ka soo baxay Qarax miino oo Waqooyiga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe lagula eegtay ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM.


Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabelle C/qadir Aadan Jeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada la bartilmaameesaday wax khasaare ah ka soo gaarin Qarax, laakiin gaariga ay la socdeen wax yeelo soo gaarto.

Qaraxa oo ka dhacay halka lagu magacaabo HaanSheekh oo udhexeysa Balcad iyo Gololey ayaa ah goob labo toddobaad kahoray miino kula qaraxday gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in howlgal laga sameeyay halkaa oo dhir ay ku dhuuman jireen Al-Shabaab laga jaray haatana ay qorsheynayaan in ciidamo isugu jira Soomaali iyo ciidamada AMISOM la dejin doono.

Weerarkan miinada ah ayaa imanaya maalin kadib markii Wasiirka Gaashaadhinga Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan uu ka sheegay shirkii golaha wasiirada in Al-Shabaab laga sifeeyay dhammaan gobolka Sh/dhexe.

 

Hargeysa Online