Wiil Soomaali ah oo lagu dhax-dilay xabsi ku yaala magaalada London.
Posted by ifraax on February 02 2018 22:47:25

Qoyskiisa waxa ay u maleynayeen in uu ku badbaadi ogyahay xabsiga dhexdiisa kadib caqabado uu kala kulmay banaanka , balse hadda waxa ay ku jiraan baroordiiq.


Extended News

Qoyskiisa waxa ay u maleynayeen in uu ku badbaadi ogyahay xabsiga dhexdiisa kadib caqabado uu kala kulmay banaanka , balse hadda waxa ay ku jiraan baroordiiq.

Afar qof ayaa loo xirxiray dilka Khadar Saalax oo lagu dhexdilay xabsiga Wormwood Scrubs ee galbeedka London.


Dilkiisa ayaa waxaa loo adeegsaday toori, iyada oo booliiska ay sheegeen in dhaawacyo xunxun ay jirkiisa ka muuqdeen.

Saciid Yuusuf oo ah wiilka ka weyn Khadar ayaa sheegay in dilka dhacay uu qoyska ku reebay tiiraanyo iyo murugo.

"Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo nolosha rajo badan ka leh, mardhow ayuu guursaday, waxaana loo hayay hal wiil" ayuu yiri Siciid.

Waxa uu intaas ku daray in 7 jeer toorida lagu dhuftay wiilka.

Xabsiga oo la dhisay xiligii boqoradii Victoria ayaa waxa uu qaadaa 1,279 maxbuus. Hadda waxaa ku jirta 1,131 maxbuus.


Rabshadaha xabsiga gudihiisa ka jira ayay dowladda la tacaalaysaa sidii ay u xakamayn lahayd, afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladana waxa uu sheegay in lasoo kordhinayo nidaamyo cusub oo looga hortago rabshadaha.

Wasiirka Amniga Maamulka Hirshabelle C/qadir Aadan Jeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada la bartilmaameesaday wax khasaare ah ka soo gaarin Qarax, laakiin gaariga ay la socdeen wax yeelo soo gaarto.

Qaraxa oo ka dhacay halka lagu magacaabo HaanSheekh oo udhexeysa Balcad iyo Gololey ayaa ah goob labo toddobaad kahoray miino kula qaraxday gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in howlgal laga sameeyay halkaa oo dhir ay ku dhuuman jireen Al-Shabaab laga jaray haatana ay qorsheynayaan in ciidamo isugu jira Soomaali iyo ciidamada AMISOM la dejin doono.

Weerarkan miinada ah ayaa imanaya maalin kadib markii Wasiirka Gaashaadhinga Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan uu ka sheegay shirkii golaha wasiirada in Al-Shabaab laga sifeeyay dhammaan gobolka Sh/dhexe.

 

Hargeysa Online