Meydadka muhaajiriin Afrikaan ah oo laga helay Xeebaha Dalka Spain
Posted by abdi on February 05 2018 21:35:26

Inta la xaqiijiyay 20 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray Meydadkooda badda xeebaha Melilla oo ah dhul yar oo ku yaalla Spain balse ku dhaw dalka dariska la ah Moroko.


Extended News

Inta la xaqiijiyay 20 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray Meydadkooda badda xeebaha Melilla oo ah dhul yar oo ku yaalla Spain balse ku dhaw dalka dariska la ah Moroko.

Kooxda Gurmadka deg deg ah dalka Moroko ayaa soo saaray meydadka kaddib markii dooni ay saarnaayeen Muhaajiriin ay ku degtay badda.


Ciidamada Booliska dalkaasi ayaa xaqiijiyay in dadka dhintay badankooda ay kasoo jeeddaan Qaaradda Afrika.

Wargeys kasoo baxa dalka Spain ayaa qoray in meydadka muhaajiriintaan laga helay iyaga oo dul sabeynaya xeebta Melilla.

Tirada rasmiga ah ee meydadka ayaanan wali si dhab ah loo xaqiijin.

Kooxaha samatabixinta ee dalka Spain ayaa iyaguna dib u bilaabay howlaha lagu baadigoobayo meydadka dheeraad ah subaxnimadii Axada.

Ilaa iyo sanadkaan 2018, dalka Spain waxa uu ahaa halka ugu muhiimsan ee ay kasoo galaaan qaxootiga dhaqaala doonka ah ee soo gaaraya Yurub.

Gobolkaan Melilla, ayaa ah goobta ugu weyn ee muhaajiriinta shaqa doonka ah ama magangalya doonka ay uga gudbaan dalalka Yurub.

Melila iyo degaanka kale ee Ceuta ayaa ah dhulka keliya ee xadka la leh Afrika oo ku yaalla Spain, halkaasi oo muhaajiriintu ay uga gubdaan Yurub.

Hargeysa Online