Ninkii ardada ku dilay gobolka Florida oo Maxkamad Maanta la hor-keenay
Posted by ifraax on February 16 2018 22:29:29

Wiil 19 ah oo lagu eedeeyay inuu toogasho ku dilay 17 arday oo wax ka baranayay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Florida ayaa Khamiisti lasoo taagay maxkamad.


Extended News

Wiil 19 ah oo lagu eedeeyay inuu toogasho ku dilay 17 arday oo wax ka baranayay dugsi sare oo ku yaalla gobolka Florida ayaa Khamiisti lasoo taagay maxkamad.

 

Nikolas Cruz, oo isagoo xiran dharka maxaabiistaa islamarkaana gacmaha ka xiran kasoo muuqday maxkamdda ayaa dacwad oogayaashu ay u sheegeen in uu ku eedeysan yahay 17 dacwo oo dil ula kac ah.

Garsoorihii maxkamadda, Kim Theresa Mollica, ayaa Cruz u sheegay inuu ku eedeysanyahay danbiyo halis ah. Garsooraha ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo Cruz.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhammaan saraakiisha waddanka kala hadli doono sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha dhinaca maskaxda si looga hortago kuwa geysta dil wadareedka gudaha Mareykanka.


Hargeysa Online