MAAL-GASHIGA SOMALILAND
Posted by abdi on February 17 2018 22:28:14

Wasiirka maal-gashiga Somaliland ayaa waxaa uu joogo magalada Dubia, waxuu warku nagu soo gaadhay in uu ku hawlan yahay sidii Somaliland loo maal-galin lahaa.


Extended News

Wasiirka maal-gashiga Somaliland ayaa waxaa uu joogo magalada Dubia, waxuu warku nagu soo gaadhay in uu ku hawlan yahay sidii Somaliland loo maal-galin lahaa, khasatan Tamarta (Energy), Beeraha iyo Kaluumaysiga. Haddaba waan soo dhawaynayaa in dalka maal gashi loo radiyo.


Waxa kale oo wiigan warku sheegayaa in Wasiirka Arimha dibada Dr. Sacad Cali Shire iyo safiirka Somaliland ee dalka Emiradku Bashe Cawil ay sameeyeen sharkada loogu magac daray “Somaliland Investment Company”, sharkadani oo ay xukuumada Somaliland uga wakiil noqon doonta maal gashiga caalamiga ah. Haddaba, mar labaad waan soo dhawaynayaa in ay shirkadani la abuuro, haddii ay sida u sheegan ay inaga cawinayso sidii dalka loo maal-gashan lahaa. Dalkeenu ma ah dal aqoonsi calamiya haysta, sida daraadeed waa loo bahan yahay hay’ad ama company maal-gashiga dalkeena iyo shirkada ama dalalka calamiga u fudidaya.

Waxaase looga bahan yahay in Dr. Sacad iyo Mudane Bashe Cawil ay dadka Somaliland u soo bandhigan sharciga (ama by law-ka) lagu aasasay sharkadani.

Teeda kale, Sharkadani Somaliland Investment Company waa in loo sameeyo sharciga ay ku shaqayso, labada golena la hor geeyo si ay u ansixiyan. Sharcigani waa in lagu qeexo gudida maamulaysa (Board of directors), sida lagu xulanayo gudidani iyo wasaarada ay hoos imanayso sharkadani.

Dadka Somaliland waxaa ku war heleen sharkad Dr. Sacad iyo Bashe Cawil dalka Imaradka ka sameeyeen, sharkadani oo looga dhigay in ay iyagu samaysteen si ay maal-galinta dalka u soo marto. Marka mudane madaxwayne ummadani adiga ayay ku doorateen, ee waa in aad saxafada isugu yeedhid, PRESS RELEASE qabatid ood sida wax u jiran u sheegtida. Haddii kale kuwa sida xun wax u sheega ayaa ummada u warami doona. Aamusnaantaadu Madaxwaywayne waxaa loo qadanayaa in warka suuqa ku jiraa uu dhab yahay. Xukuumadaduna waxay ku wayi kartaa kalsoonida, ay iminka haysato. Haddii dadka badankiisu xukuumada ka aamin ka baxaan. Marka wax qabadka xukuumadaaduna wax bay u-dhimi doontaa.

Xukuumadii hore wax yaabaha lagu xasuusta waxaa ka mid musuq maasiq iyo hanti boob. Sida daradeed, waa in xukumadani iska fagoyso dadka lagu tuhunsan yahay in ay ka danbeeyan musuq maasiqaasi iyo boobka hantida ummada. Haddaba, haddii xukuumada Muuse Biixi doonayso in ay soo celiso kalsoonida dawladnimo, isla markaana iska jeediso mucaarida ku sii xoogaysanaya, waa in ay ummada u soo celiso hantida laga dhacay. Hantida oo ay ka mid yihiin Warshada Sibidhka, Halmaha Bitroolka, Warshadaha laydhka (Hargaysa, Berbera, kuwa kale), dulkii iyo guryihii dawlada.

Teeda kale, wasiirka maal-gashigu waxaa uu u eeg yahay nin yar, oo laga yaabo inuu kooban tahay waxbarashadiisa iyo wayo aragnima uu u leeyahay maal-gashiga calamiya. Waxaa laga yaaba in wasiirku maalgashi calamiya uu ka qayb qaato iska daye aanu xataa lahayn Credit Card, uu wax ku iibsado ama uu huteel calmiya ku kirasan karo. Sharkadaha ama dawladuhu calamku marka mashqaca galiyan wasiirka, waxay arkayaan in aanu hantidooda ku aaminaynin dawlada wax u dirata dadka khibrad iyo wayo aragnimo toona lahayn.

Waxaan ku hanbalyaynayaa xukumada Muuse Biixi in ay si dheeli taran uga dhex muuqdan beelaha u-codeeyay iyo kuwii ka-codayayba. Lakiin waxyaabaha aan ku dhaliilayo xukuumadani waxaa ka mid ah, in ay xukuumada u badan tahay dad yar yar oo wax ku bartay jamacadaha dalka, oo wayo aragnimo dal lagu maamulo lahayn. Haddaba, waxaan ku talin lahaa in wasaarad kasta lagu kabo dad khibrad iyo aqoon leh.

Waxaa la isku racay in hogaanka fiicani yahay ka soo xusha ama ka shaqalaysiiya dad isaga ka maskax badan, kana khibrad iyo aqoon badan. Haddii aan si kale u dhigo, waxay ahayd dadka wasaarad kasta maamulayaa in ay noqdan kuwa ugu aqoonta iyo wayo aragnimada badan. Maanta Illahay waxaa uu Somaliland siiyay dad badan oo aqoontii iyo wayo aragnimo ay dalkooda ku horu mariyan leh. Waxaa Somaliland halka ay joogta dhigayna, in ay ka faa’iidaysan waydo, isla markana iska fogeeyso dadka aqoonta iyo waayo aragnimo leh.

Hogaaamiya yaasha afrikanku badankoodu waa dad aan WADANIYIIN ahayn oo dantooda ka hor mariya ta dadkooda iyo dalkooda. Waa hogaamiyayaal isku xeera dad aqoontooda iyo wayo aragnimadeedu kooban tahay oo dalalkooda galiya amaaho aanay iska bixin karin. Amaahani oo intooda badan la dhaco, inta kalana lagu hirgaliyay mashruucyo aanay u bahnayn ama faa’iido dalalkooda u lahayn. Taasna waa ta dalalka Afrika qeerkood ka reebtay. Waxaanay dhaxalsiisa in ay lacagta ay dalka wax loogu qaban lahaa ku bixiyan amaaho ayna dalalkoodu ka faa’iidaysan. Tasina waa ta u horseeda in ay calamka dawarsadan.

Teeda kale, sharkadaha maal-gashada dalalka Afrikanka iyaga ayaa maamula dalalkaasi. Dalkuna waxuu noqda meel ay iyagu leeyihiin. Dadka dalka lihina waxay noqdan kuwa u shaqeeya sharkadahaasi, shaqooyinka ugu hooseeyana qabta. Haddaba, waa in xukumada Somaliland iska ilaaliso dabinada dhaqaalaha ee ay galeen wadamada Afrikanku.

Maalgashiga dibada waxaa ka horeeya in aynu inagu isku nimadno oo falanqayno maalgashiga aynu u bahan nahay iyo isla markaana diyaarino shaciyada la inooga bahan yahay.

Waa in ay daraasadayno mashruucyada aynu doonayno in dalkeena ka hirgalino, qiimaha ku baxaya, inta aynu inagu maal-gashan karno. Sida uu madaxwaynuhu yidhi markii uu xukunka la wareegayay “Waa in aynaan calamka faro madhnaan ula tagin, ee aynu wax la nimadno”. Haddaba, haddii la inoo arko in ayna waxba haysan oo aynu gacmo madhan ula tagno calamka, isla markana dadka aynu u dirnaan noqdan dad aqoontoodu hoosayso, lahayna khibrad calamkana lagula dhaqmo. Waxay markaa inoo arki doonan dad quusa oo wax kasta laga saxeexi karo. Maalgashiga ama heshiiska ay kula galana waxaa uu noqon doona mid taa ka turjima. Marka waxa dalal badan oo Afrika ay ka yeelan ayay inaga yeeli doonan.

Haddaba, waxaan ku talin lahaa in ay xukuumadu marka hore samayso BANGIGA HORUMARINTA SOMALILAND. Bangigani oo darsa ku sameeya mashruucyada maal-gashiga (ama feasibility study) u bahan.

Isla markana la diyaariyo sharciga uu ku shaqaynayo Bangigani. Teeda kale, sharkadaha ajaanibku waa in ay ugu badnaan boqalkiiba kontan (50%) lahaada, inta kalana dadka Somaliland yeeshan. Haddii ay dawlada Somaliland wax ku yeelanyso waa in aanu ka badnaan 10%.

Haddaba, mashruucyada maal-gashiga een u bahanahay waxaa ka mid Tamarta (Energy), Beeraha, Xoolaha, Kaluumaysiga iyo Sibidhka. Haddaba, haddii aynu soo qaadano:

 

Maalgashiga Tamarta (Energy)

Marka hore waa in Bangiga Horumarinta Somaliland uu darasad ku samayo Tamarta (Energy-ga) aynu u bahanahay. Kadibna waa in aynu isla qaadano waxa laga dhalinayo, sida Naftada (Petroleum), Gaasda dabiciga (Natural Gas), Dhuxul dhagax (Coal), Cadceeda, iyo Dabaysha. Kadibna aynu qiimayno inta uu ku kacayo korantadani, iyo inta waji (ama phases) ee loo qaybinayo mashruucani.

Wadamada hore u maray, ee isticmaala korantada badani waxaa tamarta ka dhaliyan dhawr wax oo kala ah: Dhuxul-dhagax (Coal), Biyaha (Hydropower), Nuclear, Gaasta Dabiciga (Natural Gas), Dabaysha (Wind) iyo Cadcade (Sun).

Haddaba, dhuxul-dhagaxa (Coal) waa waxa ugu jaban ee Tamarta (Energy) laga dhaliyo, dalka horu marayna badan kooda waxaa ay isticmaalan dhuxul-dhagac. Tusaale ahaan, dalka Maraykanka 34%, China 54%, South Africa 69%. Waxaa laga yaaba in dadka qaar kood ku doodan in dalalkani leeyihiin dhuxul dhagax, oo dalkooda laga qodo. Waa dhab, lakiin inagu ma lihin ceelal aynu ka soo saarno Bitrool (Naftada) aynu u isticmaalno mishiinada korantada. Sida aynu Naftadaba u soo iibsano ayay u soo iibsan karnaa dhuxul-dhagaxada (Coal). Mida kale Cadceeda (SUN) iyo Dabayshu (Wind) ma ah joogto, dalalka isticmaalana ilo-koranto (ama sources-kale) ayay ku kaban. Teeda kalana ma nihin dalalka hawadooda wasiqeeyay ee cimilada ka fakiraya. Calamkaa horumaray ee hawada wasiqiiyay ay u tala in ay sifaynteedana.

Waxaa dalkeena lagu sheega inuu dhuxul dhagax leeyahay, haddii aynu la soo baxno si aynu warshada laydhka ugu isticmaalno way fiican tahay. Haddii kale, waxaa jira dalal badan oo soo sara dhuxul-dhagaxa (Coal) oon ka soo iibsan karno, ooy ka mid yihiin Koonfurta Afrika, Zimbabwe, Botswana iyo India.

Haddaba, haddii la isla qaato in aynu warshada korantada oo dhuxul-dhagax ku shaqaysa dalka ka hirgalino waxaa noqonaysaa in laga dhiso deganda xeebta, si maraakiibta (BARGE-yadu) sida dhuxul-dhagaxu ugu soo xidhaan dekada.

Haddii isku celcelis gurigii ama meharadii dalkeenu isticmalan 1KWh - 2 KWh maalintii, marka 100,000 guri/maharaded waxay u bahan yihiin 100 MWh ilaa 200 MWh maalintii. Qiyaas ahaan (rough estimate) warshada cusub ee dhuxul-dhagac (New Coal Power plant) waxay ku kacaysaa $3500 Per KWh. Marka qiimaha warshada dhuxul-dhagaxdu waxay ku kacaysa $350 Million ilaa $700 Million. Wayirada korantada qadaya (Power distribution included Substations, Transformers and power lines) waxa noqonayaan $100 Million kale.

Marka, korantada laga dhalinayo dhuxul-dhagax waa in ay inoo noqoto mida asaasiga ah. Cadcada, Dabaysha, Naftadada iyagana la isticmaalo. Teeda kalana, waa in aynu isticmaalno korantada dalka Itoobiya ee biyaha laga dhalinayo. Lakiin waa in aynaa marnaba laydhka Itoobiya aanu inoo noqon korantada asaasiga inoo ah. Wayo korantadu waxay qayb ka tahay Amniga Qaranku (ama National Security). Marka ma ah inuu ku xidhnaado ama laga daro dalkeena dal kale. Teeda kale, korantada Itoobiya waxaa uu soo dhex maraa degaano nabadgalyadeedu ayna deganayn.

Sharkadaha doonaya in ay maal-gashdan Korantada dalkeena waa in ayna lahaan in ka badan 50%, inta kale waa in ay noqoto in aynu inagu la nimadno, ama amaah (jaban) ku qaadan karno. Waayo, Amniga Qaranku (ama National Security) ayay ku xidhan tahay in aynu inagu maamulkeeda yeelano, ama aynu la maamulno cida maal-gashanaysa. Teeda kale, waa in la sameeyo Komishan maamula (Regulate- gareeya) korantada qaranka. Isla markana waa in warshadihii korantada ee ay dawladu lahayd, ee Hargaysa, Burco, Boorame, Berbera dib loogu soo celiyo gacanta dawlada, ayna ka mid noqoto Hay’da konrantanda qaranka.

Beeraha, Xoolaha, Kaluunka iyo Warshada Sibidhka.

Somaliland waxa kale ooy u bahan tahay in ay maalgalin u radiso Beeraha, Xoolaha, Kaluumaysiga iyo warshada Sibidhka. Dawladii hore waxay wakhtigii kala guurka wareejisay hantida ummadani ka dhaxaysay, sida warshada sibirka ee Berbera. Haddaba, waa in xukuumada Muuse Biixi ay ummada u soo celiso hantidani sida sharci darada ah loo bixiyay.

Sidoo kale waa in Bangiga Horumarinta Somaliland uu sameeyo daraasad lagu hirgalinayo mashruucyadani, loona bandhigo dadka Somaliland ee doonay in ay maal-gashadan, kadibna loo bandhigo sharkadaha ama dawladaha caalamiya ee doonaya in ay iyaguna maal-gashadan. Sidoo kale, wa in mashruucyadani 50% uu leeyihiin dadka iyo dawlada Somaliland.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

OMAR A. YOUSUF OAKLAND, CALIFONIA

DALAYADA “DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST)

  WWW.SOMALILANDFIRST.COM