Orodyahan Ajanabi ah oo kaalinta kowaad u gallay tartankii Orodka Somaliland.
Posted by abdi on February 17 2018 22:45:24

Orodyahan reer London ah ayaa kaalinta kowaad ku guulaystay tartankii ciyaaraha fudud ee orodka oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.


Extended News

Orodyahan reer London ah ayaa kaalinta kowaad ku guulaystay tartankii ciyaaraha fudud ee orodka oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.


Tartankan orodka ayaa ahaa laba qaybood oo ku kala tartamayey 42 KM iyo koox ku ordaysay 10 Km.

Somaliland Marathon waxaa sanadkan ka qaybgallay orodyahano ajanabi ah oo ka kooban 21 qof oo ka kala yimid dalalka aduunka sida: Ingiriiska, Talyaaniga, Poland, Faransiiska iyo Jabuuti, waxanay ka qaybgalleen tartanka orodka ee Somaliland ka socday.

Orodkan waxa ka qaybgallay laba boqol oo ciyaartoy oo ay ku jiraan 21 Ajanabi ah,kuwaas oo iskugu jiray qoladda 42 KM iyo qoladda 10 Km ku ordaysay.


Waxaana ugu dambeyn kaalinta kowaad u gallay 42 KM orodyahanka reer London David Harer oo Laba saacadood iyo shan iyo konton daqiiqo ku cararay 42 KM, waxaanu sheegay markii uu guulaystay in afartan jeer uu ka qaybgalay orodo caalami ah, haseyeeshee uu saddex jeer uu kaalinta koowaad galllay, isagoo xusay in marki ugu horeysay uu Afrika ka qaybgallay ay noqotay orodkan uu Somaliland Marathon uu ka qaybgallay.

Waxa isna kaalinta labaad gallay Guuleed Mawlid Cabdilaahi oo isagu ka socday Somaliland gaar ahaan Ciidanka Booliska Somaliland qaybtiisa ciyaaraha fudud uu ku jiro.

Sidoo kale, waxa orodka tobanka kilo mitir kaalinta kowaad u galay Siciid Farxaan Cumar oo ka tirsan Naadiga ciyaaraha fudud ee ciidanka Booliska Somaliland, waxa isna kaalinta 2aad u gallay orodka 10KM Xamse Haybe Aadan oo isna ka tirsan kooxda Ciidanka BOoliska.

Tartankan orodka waxa soo qabanqaabiyey wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyaradda, waxaana maalgaliyey shirkadaha ganacsiga ee Somaliland ka hawlgalla, waxa kale oo tartankan qayb weyn ka qaatay oo Ajanabiga ku casuumay inay tartankaasi ka qaybgallay urur Qurbojoog ah oo sheegay inay xafiis ku leeyihiin London, kuwaas oo ballanqaaday inay sanad walba orodyahano caalami ah ku casuumi doonaan tartanka Orodka Somaliland.

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Yuusuf Mire Boos iyo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa si weyn usoo dhoweeyey tartankan, waxaanay abaalmarino bilido u badan gudoonsiiyey orodyahanaddii kaalmaha hore ka gallay tartankan.

 

Hargeysa Online