Diyaarad sidey tiro ka badan 60 ruux oo rakaab ah oo ku bur burtay dalka Iran.
Posted by ifraax on February 18 2018 22:22:17

Diyaarad sidday rakaab ka badan 60 ruux ayaa ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla bartamaha dalka Iiraan.


Extended News

Diyaarad sidday rakaab ka badan 60 ruux ayaa ku burburtay dhul buuraley ah oo ku yaalla bartamaha dalka Iiraan.


Warbaahinta Iiraan ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku soo dhacday magaalada Semirom.

Diyaaradda ayaa isaga kala goosheysay magaalooyinka Tehraan iyo Yausj, waxaana sida la sheegay saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo lix qof oo ka tirsan shaqaalaha diyaaradda.

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo gurmad ahayd ayaa lagu soo waramayaa in ay u suurtageli weyday in ay gaarto goobta ay diyaaradda ku burburtay sababo la xiriira cimilada oo aad u xun awgeed.

Lama oga ilaa iyo hadda  khasaaraha nafeed ee ka dhashay burburka diyaaraddaasi oo ay la heyd shirkadda diyaaradaha ee Aseman ee dalkaasi Iiraan.

Hargeysa Online