HARGAYSI WAXAY U BAHAN TAHAY MAYAR TAYO LEH.
Posted by ifraax on March 19 2018 09:30:51

Hargaysi waa casimada Somaliland, waana murayada laga dalacanayo horumarka iyo dawladnimada dalka. 


Extended News

Hargaysi waa casimada Somaliland, waana murayada laga dalacanayo horumarka iyo dawladnimada dalka. Waa halka ay degan tahay dawlada dalka maamusha.

Waa magalada dadka ugu badan iyo dhaqaalaha dalka intiisa badan taalo. Sida daradeed, mayarka casimadu waa in uu noqdo shaqsi aqoon iyo wayo aragnimo uu ku hanan karo shaqadan leh. Teeda kale, mayarka Hargaysi waa mayarka mayarada dalka, sida daradeed horumarka magalada casimadu waa in uu hormood u noqdo horumarka iyo wax qabadka magalooyinka dalka oo dhan.Haddaba, doorashadii golaha deganka waxaa ka hadhay hal sano, waana markii la dooran lahaa musharaxiin u qalma mayarka, mayar ku-xigeenka iyo golaha deganka casimada.Dawlada hoose waa dawlada dhexe oo yar. Mayarku waa duqa magalada, golaha degankuna waxay u dhigmaan golaha wakiilada. Teeda kale, dawlada hoose waxay si toosa u hoos yimada bahiyaha dadka casimada ku nooli, iyaga ayaana looga fadhiyaa xalkooda. Golaha deganka waxa soo xulay oday dhaqameed dantooda shakhsi ka fakirayay. Oday dhaqameedku ma fahansana shaqooyinka golaha deganku qabtan, waxay u haystan in shaqo loogu abuurayo dadka aan shaqaysan. Sida daradeed, ayay u soo xuleen dad badan oon shaqaysan ama shaqo fiican haysan. Taasina waa ta ina dhaxal siisay mayaro iyo gole degan oo fadhiida.Haddaba, waa in ay tani cashar fiican inoo noqoto, oo aynaan mar danbe aqbalin in oday dhaqameed danbe soo xulaan golaha deganka. Oday dhaqameedku waa in garta beelaha iyo magta ku ekadan ee ayna soo faro galin siyaasada.Teeda kale, waa in mayarka iyo mayar ku-xigeenada SI TOOSA LOO DOORTO. Tani waxaa keenaysaa in dad khibrad, iyo aqoon lagu maamulo casimada Hargaysa (iyo magalooyinka kaleba) ay soo doonta jagada mayarka iyo mayar ku-xigeenka. Sida daradeed, waa in dib danbaysa, mayarka iyo mayar ku-xigeeno ayna gole degan dhexdeeda iska dooran.  Mayarku iyo mayar ku-xigeenku waa in ay noqdan dad aqoon jamacadeed, iyo wayo aragnimo shaqada loo dooranayo ku hanan karan leh. Teeda kale, waa in la dhimo tirada golaha deganka, waana in kalabadh oo badh laga dhigo. Tusaale ahaan, magalada Hargaysi waa in ay lahaato gole degan oon ka badnayn toban qof (ama 10), iyo mayar iyo mayar ku-xigeen. Dadka golaha deganka loo dooranayaa waa in ay noqdan dad sharaf ku dhex leh dadka magalada. Waa in ay noqdan dad aqoon leh, dhaqaalo ku filana haysta, oon ku saqa jamin in ay hantida ummada booban.  Magalada Minneapolis,  gobalka Somalidu ugu badan tahay ee Minnesota ee cariga Maraykanka, waxaa ku nool dad ka badan 400,000 qof, budget-keeda sanadkii hore waxaa uu ahaa $1.3 Billion dollar. Haddana golaheeda deganku waa 13 xubnood.Haddaba, magalada casimadu (iyo magalooyinka kaleba) waa in ay lahadan 8 waxood/wakaladood (ama departments), kuwaasi oo kala ah: Waxda Nabad galyada Waxda mamulka dhulka (Land Management & planning)Waxda ogalaashaha dhulka dawladu leedahay (Permits Department)Waxda Nadafada (Xashiishka & Bulaacadaha)Wakalada Laydh Wakalada Wadooyinka (Traffic Department)Wakalada BiyahaWakalada Garoonada kubadaha iyo ParksWakalada Cashuur ururinta
1.  Waxda Nabad galyada CasimadaHaddii magalo nabadi ka jirtan, horumarna kama jirayo. Haddaba, wasarada arimaha gudaha ayaa nabad galyada dalka u qaabilsan. Lakiin waxaa looga bahan yahay dawlada hoose in ay nabad galyada magalada kala shaqeeyan wasaarada arimaha gudaha.Dawlada hoose waa in ay samayso gudi nabadgalyo oo booliska kala shaqeeya nabad galyada magalada. Gudida nabadgalyada magaladu waa in ay xafad kasta ka soo xushan dad ilaaliya nabad galyada xafadooda (Community policing). Isla markana, gudida nabad galyada magaladu waa in ay kala shaqayso wasaarada arimaha gudaha tababarida booliska. Si booliska xaafada ka hawl gala u noqdan kuwo si fiican u tababaran. Boolis shicibka magalada cawiya, lakiin aan dhibin, laaluush ka qadan.2.    Waxda mamulka dhulka (Land Management and planning)Magalo kasta waa in ay leedahay qorshe guud (ama City Master Plan). Qorshahani waa in lagu xadido baxada dhulka magaladu ku fadhido. Dhulka dawlada (Hoose iyo dhexe) ay leedahay, dhulka uu shicibka leeyahay, iyo qorshaha mustaqbalka ee magalada. Haddaba, qorshaha guud ee magalada (ama The City Master Plan) waa in golaha deganka ansixiyo, mayerkuna saxeexo. Haddaba, haddii uu jiro dhul lagu muran san yahay, waa in ay jirto maxkamada ka gar qaada. Shaqada Mayarka, iyo golaha deganka ma ah in ay garsoore ka noqdan dhulka la isku haysto.Dhulka magalada waxaa maamula dawlada hoose. Qofka si sharciya u leh, isla markana cashuurta xaqa loogu leeyahana bixiya ayaa xaq u leh inuu dhulka yeesho. Qofkii cashuurta dhulka iyo guryaha (property tax) bixin waya dhawr sano waa in laga xaraasho dhulka iyo waxa ka dhisan. 3. Waxda bixisa ogalanshaha dhulka dawladu leedahay (Permit Department)Waxdani waa in ay maamusho isticmalka dhulka dawlada hoose leedahay. Tusaale ahaan, dawlada hoose waa in ay ogalaansho siiso wadhatada wadooyinka wax ku iibisa (ama street vendors). Sidoo kale, dawlada hoose waa in ay ogalaansho siiso sharkadaha laydhka iyo isgadhsiinta ee tiirarkooda ka tagan yihiin magalada.4. Waxda Nadafada Waxaa la yidhi “Inta xashiishku kuu jiro ayuu cudurku kuu jira”. Waa in dawladu hoose maamusho ururinta xashiishka magalada. Haddaba, haddii dawlada hoose ku wareejiso sharkad (sharkado) ururinta qashin. Dawlada hoose ayaa wali ka masuula qashin ururinta magaalada. Sida daradeed, waa in dawlada hoose ku daba gasho sharkadahani shaqadooda. Ogalaashahana kala noqoto sharkada aan ka soo bixin shaqadeeda. Teeda kale, xaafad kasta (dhawrkii sakadooba) waa in la dhigo weelka qashinka lagu qubo (trash containers). Ayna jiran baabuur qaada weelka qashinka iyo meelo magalada ka baxsan oo qashinka lagu qubo. Hargaysa intii aan laga qixin waxay lahaan jirtay weel qashinka lagu qubo (trash containers), kuwasi oo xafadaha dhexda ooli jiray. Lakiin, iminka kuman araga. Haddaba, 27 sano oon dalkeena maamulaynay, waa inagu ceel in ay magalada Hargaysi wakhtigaa hore xafad kasta lahayd meel lagu daadiyo qashinka, iminka ooy magaladu dhaqalaheeda iyo dadka ku nooli ka badan yihiin wakhtiga hore aanay lahayn weel qashinka lagu qubo (trash containers).Mida kale, waa in dawlada hoose samayso musqulo nadiifa oo magalada ku dhex yaala.Hargaysi waxa kale ooy u bahan tahay moosas (ama drainage) biyaha roobka magalada ka sara, iyo dhuumaha bulaacada qaada (swage system). Dawlada hoose iyada oo la kashanaysa dawlada dhexe, dawladaha iyo hay’daha calamiga waa in ay mashruucan hirgaliyan. Hirgalinta moosas (drainage) iyo dhuumaha bulaacada (swage-yada) magaladu u bahan tahay, wuxuu ku kacayaa lacag badan. Haddaba, mar lama wada hir galin karo, ee waa in marka hore la dhiso kuwa waawayn ee isku xidha xafadaha magalada, kuwa yar yar ee ku soo xidhmayana naqshadooda la sameeyo.Haddaba, waa in dawlda hoose dhiiri galiso xaafada/sakadaha (blocks-ga) raba in ay samaystan moosaska (drainage) iyo dhuumaha bulaacada (swage-yada), kuna soo xidhman kuwa waawayn ee xafadaha isku xidha. Xafadaha waa in ay dawlada hoose ugu deeqdo cagafyada, engineer-ada. Xafaduhuna waa in ay iska bixiyaan shaqalaha dhisaya iyo qalabka galaya.5. Wakalada Laydh Barigii hore, wakaalada laydhku waxa maamuli jiray dawlada hoose, haddaba, waa in dawlada hoose ay la soo noqoto lahaanshaha warshada laydhka ee Hargaysa. Isla markana waa in ay ka shaqayso siday ula shaqayn lahayd sharkadaha ka ganacsada laydhka, dawlada dhexe (Wasaarad tamarta), hay'ada calamiga ah iyo cid ala iyo cida ka cawinaysa siday shicibka magalada u heli lahaayeen laydh jaban. 6. Wakalada Wadooyinka (Traffic Department)Hargaysi waa magalo wayn ooy ku nool yihiin dad kor u dhaafay hal million oo qof, kumaakun kun oo baabuurina way dhex socdan. Wadooyinka ugu mihiimsan waa kuwii todabatadani magalada laga hirgaliyay, markii dadka ku noola ay boqolka kun ahaayeen, baabuurtuna faro ku tiriska ahayd. Marka, Hargaysi waxay u bahan tahay qorshe lagu dhiso wadooyin fiican oo lamiya.Haddaba, dhismaha wadooyin fiicani, oo leh meesha dadku marayeen (side walks) waxuu ku kacayaa lacag badan. Sida daraadeed, marna lama wada dhisi karo. Haddaba, waa in marka hore la dhiso dhawrka wado ee isku xidha xafadaha magalada. Isla markana la dhiiri galiyo in xaafad kasta ama dhawr-kii sakadood (blocks) ay isku tagan lacagna iska ururiyan, dawlada hoosena ku cawiso cagafyada, iyo engineer-da dhisaya. Iyaguna iska bixiyan musharka shaqalaha dhisaya iyo alabta galaysa.
 7. Wakalada Biyaha Horumarinta iyo balaadhinta biyaha magalada waxaa u qabilsan wasaarada biyaha (ama dawlada dhexe). Lakiin wakaalada biyaha Hargaysa waa hay’ad madax banana, waana in dawlada hoose wada shaqayn toosa yeeshan, si magalada Hargaysi u hesho biyo nadiifa, qiimo jaban oo magalada wada gaadha. Haddaba, si taasi loo gaadho waa in dawlada hoose la kaashato dawlad dhexe, dawladaha iyo hay'adaha calamiga ah ee wada mashruucyada biyo balaadhinta ee magaladu u bahan tahay. 8. Wakalada garoonada iyo ParksMagalada casriga ahi waa in ay yeelato garoono caruurtu iyo dhalin yaradu kubadaha ku ciyaaran iyo parks dadku kaga nastan buuqa iyo saxmada magalada. Magalo noqon mayso magalo haddii meelkasta laga dhiso guryo iyo fooqyo. Sida daradeed, waa in xaafad kasta loo sameeyo garoono iyo parks. 9. Wakalada Cashuur ururinta.Hirgalinta mashruucyada lagu horumarinayo magalada waxay u bahan yihiin dhaqalo badan. Sida daraadeed, waa in dawlada hoose cashuurta ay xaqa u leedahay hesho. Dawlada hoose waa in ay qado lacagta Permit-yada, oo ay bishiiba mar laga qado suuqyada (sariibadaha), wadhatada iyo sharkadaha laydhka iyo isgadhsiinta ee tiirarka xadhkaha iyo wayarada fiberka dhulka mariya. Cashuurta kale ay tahay in dawlada hoose qaado waxa ka mida: ardayada (property tax), wado marida, lisanada tukanada, biyaha, iyo xashiishka.Sida uu wasiirka maaliyada sheegay, waxay dib-u-habayn ku samaynayaan wasaarada. Wasaarada maliyadu waxay ka koobnaan doonta laba hay'adood oo kala ah; mid ururisa cashuurta iyo mida ka shaqaysa kharashyada baxa. Marka, hay'ada ururinta cashuuruhu waa in ay cashuurta dawlda hoose iyo dawlada dhexeba ururiso.Haddaba, cashuuraha wasaarada maliyadu qado waa in lagu daro cashuurta iibka (Sale Tax/VAT) (Value add Tax). Tusaale haddii cashuurta iibka (ama sale tax) la qadaya uu yahay 10%, waa in 5% dawlada hoose leedahay iyo 5% dawlada dhexe. Marka, dhaqalaha dawlada hoose hesho waxay ku qaban karta mashruucyada magaladu u bahan tahay badankeeda.Waxaan ku soo gunaanadayaa, dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay waxaa dawlada hoose ee Hargaysi dhiseen ama hagajiyeen qaar ka mida wadooyinka magalad. Waanan ku hanbalyaynaya in ay akhirkii wax ka qabtan wadooyinka magalada. Lakiin, shaqada dawlada hoose ma ah oo kaliya wadooyin la dhiso. Magalada Hargaysa xashiish, ciid, dhagaxaan iyo boodh ayaa meel aad ka marta aanay jirin. Ay, bisado, adhig, geel iyo lo’ ayaa wadooyinka buux dhaafiyay. Dadkii waalwaalna oo midiyo, iyo warano sida ayaa magalada dhex mar maraya. Askar reermiya oon mushar fiican qadan, tababar fiicana haysan ayaa magalada boolis u ah. Marka waxaa la gadhay wakhtigii casimada Hargaysi noqon lahayd casimada la tartanta magalooyinka iyo casimadaha calamka. Sida daradeed, waa in ay doorashadan soo socota lagu doortan mayar, mayar ku-xigeen iyo gole degan oo tayo leh oo ka shaqeeya horumarka magaalada.


SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

OMAR Abdi YOUSUF    OAKLAND, CALIFONIADANTA

QARANKA SOMALILAND (SOMALILAND FIRST)WWW.SOMALILANDFIRST.COM