War-saxaafadeed Af noolina waa hadla ayna waa ciyaa Somaliya.
Posted by ifraax on March 19 2018 09:35:06

War-saxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo taabanaya qorshe la gudboon, xusbiyada mucaaridka midaynta beelaha Somaliland. 


Extended News

War-saxaafadeed ay soo saareen odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo taabanaya qorshe la gudboon, xusbiyada mucaaridka midaynta beelaha Somaliland. Af noolina waa hadla ayna waa ciyaa Somaliya.


Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Xusbiyada qaranka ee UCID IYO WADDANI

 

Xusbiyada qaranka madaxda mustaqbalka ee UCID IYO WADDANI ee waddaniyiinta u ah shacabkooda, dawladdana toosinta u ah

Ka dib markii dawladdii bulshada reer Somaliland si kastaba ha ku timaaddee dalka hoggaanka u qabatay ay tahlinawayday kana mashquushay in ay turxaan bixiso shacabka walaaha ah ee tabasho ku soo kala gaadhay kala jiidashadii xusbiyada dalka

Waxaa la gudboon  xusbiyada kor ku xusan in ay buuxiyaan halkaas bannaan oo ay shirar joogto ah u qabtaan beelaha reer Somaliland dhammaan xusbi kasta haw ololeeyaane ama jeegaan ha sheegtaan ama giraan ha sheegtaane.


Dawladda Somaliya

Dawladd ku sheegga Somaliya ee magacii Somalinimada dishay ee shacakii ay masuulka ka ahaayeen cadowgii ay ka ilaalin lahaayeen uu ay iyaga ilaaliyo ee ka xun dawladaha iskood uga madaxbanaanaaday sida dalka Jabuuti , dalka jamhuuriydda Somaliland horumarka ay gaadheen doonayana in sidooda cadow gacanta u galo taas oo ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen ha ogaadaan maammulka taagta daran ee toodiiba u taagla, xasadka iyo xumaanta ay hawada u marinyaan walalood horumarka gaadhay in aanay waxba iskaga dhimayn ee xasadku guul u horseedaayo shacabka Somaliyeed ee ay nimankaasi horjoogaha u yihiin waxaa la gudboon in ay iska qabtaan god dheerna iskaga ridaan si aanay sharaftooda ugu cayaarin.

Dawladaha la jaarka ah , dalka jamhuuriydda Somaliland dalku wuxuu diyaar u yahay ilaalinta xuduudaha ganacsi xor ah dhinac walba ah isusocod jaarnimo ammaan ah.

Talo soo jeedin.

  1. Maamulka xamar lagu ilaaliyo in uu ka wantoobo cadaawadda aan ugubka ahayn ee soo jireenka ah(afxumo nabadna way kaa kaxaysa colaadna waxba kaagama tarto)
  2. Bulshada reer Somaliland ka digtoondaan dhibtii soo martay ee wali ilaabin diyaarna ahaadaan.
  3. In aan waxba waxba laga soo qaadin maamulka xamar ka ooyaya .
  4. In xusbiyada qaranka Somaliliand in ay dhex u ahaadaan bulshada reer  Somaliliand beelihii ka codeeyey iyo kuwii u codeeyeyba.
  5. Dawladda Somaliland in ay ka dheeradan in ay soo kala dhowastaan bulshada walaaha ah ee dalku ka dhexeeyo  simanna ula dhaqmaan shacabka reer Somaliland ama jeegaan ha ahaadaan ama giraane diyaarna u noqdaan doorasho dalka ka qabsoonta mustaqbalka
  6. In shacabka walaaha ah dhan uga soo wada jeedaan ilaalinta dalkooda hooyo ee mar walba hurrran meelna aanay uga kacayn diyaarna u noqdaan doorasho dalka ka qabsoonta
  7. Si kasta oo dalka biyo ku filan loo helo waa waajib haddii ay ka gaabiyaan maammulka ama hoggaanka dalku waxaa xil la wareegi kara shacabka ama xusbiyada qaranka
  8. In la badiyo Alla ka cabdisiga salaaddana la oogo baryada ilaahayna aan laga daalin.

 

Qolada xamar lama joogo xilli lays gumaysto waana laga gudbay haddii ay mar idiin suuragashay xasuuqii aad gaysateen, haddii mar la odhan jiray nalka Hargaysa ma xamarba laga daara taasi way soo dhamaatay.

   Dhallinyarada reer Somaliland doqoni haddii la xafiiltamaayo in la kala tegaayo ayey moodda

Ninkii awooga iyo hooyadaa iyo aabaha dilay ayaa idigana kula maaggan dhibtii iyo qaxii uu waalidkaa la kulmay.

Horumrakaaga ciidda diiddan adna diid

 

Deeq Cabdi Digale