Weerar loo adeegsaday wax loo maleynayo inay ahaayeen mooto bajaaj wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay agagaarka Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.
Weerar loo adeegsaday wax loo maleynayo inay ahaayeen mooto bajaaj wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay agagaarka Hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho, gelinkii dambe ee maanta.
Ugu yaraan 14 ruux ayaa la sheegey inay weerarkaasi ku dhinteen, kuwaas oo u badnaa dad ka ag dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay, sida uu sheegey afhayeenka wasaaradda amniga Cabdicasiis Xildhibaan. Sidoo kale, shan qof ayuu Xildhibaan sheegey inay dhaawacmeen.
Xaaladda goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa kacsan, iyadoo gaadiidka gurmadka deg degga ah ay goobta ka daabulayaan dhibannayaashii weerarkaasi wax yeellada ka soo gaartay.
Hargeysa Online