Qarax Xooggan oo qasaare geystay oo Ka Dhacay Muqdisho
Posted by abdi on March 25 2018 20:01:18

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in goor dhowayd uu qarax xooggan ka dhacay bartamaha magaalada.


Extended News

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in goor dhowayd uu qarax xooggan ka dhacay bartamaha magaalada.
Goobjoogayala ayaa xaqiijiyey inuu ka dhacay meel u dhow bar kontorool oo ku taala Oto Oto. Qaraxan waxa loo malaynayaa inuu sabababay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabah qarxa.
Ugu yarana afar qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen. Dadweynaha magaalada ayaa sheegay inuu ahaa qarax culus oo laga maqlay meelo kala duwan oo magaalada ah.
Toddobaakdii hore ayuunbay ahayd markii qarax kale uu ka dhacay magaalada Muqdishu gaar ahaan agagaarka Hoteelka Weheliye waxaana ku dhintay 17 qof.
Goor hore oo maanta ahna qarax ayaa ka dhacay baabauur ay booliisku cayrsanayeen agagaarka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdishu. Ugu yarana hal qof ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay qaraxaas oo ka dhashay babauur.

 

Hargeysa Online