Somaliya Oo Imaaraadka u gudbisay Cabasho ka dhan ah Shirkada DPworld.
Posted by ifraax on March 28 2018 22:29:48

Dawladda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Iimaaraadka Carabta ka fadhiya Muqdisho, sida uu Hargeysa Online u sheegay wasiiru- dawlaha arrimaha dibadda.


Extended News

Dawladda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Iimaaraadka Carabta ka fadhiya Muqdisho, sida uu Hargeysa Online u sheegay wasiiru- dawlaha arrimaha dibadda, C/qaadir Axmed Kheyr, ayadoo ujeedada u yeeriddu la xiriirtay sidii qaab diblomaasiyadda waafaqsan ay Soomaaliya ugu gudbin lahayd mowqifkeeda ku aaddan arrinta shirkadda DP World iyo dekedda Berbera.


12kii Maarso ayey ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu gaashaanka ku dhuftay heshiis dhex maray shirkaddaas iyo maamulka Somaliland, kaasoo saamiga ugu badan ay ku yeelanayso DP World dekedda Berbera, hallka Itoobiyana ay helayso 19%.

Xiisaddaas ayaa loo aanaynayaa inay dhalisay qas siyaasadeed oo ka dhex dillaacay laamaha sharci dejinta iyo fulinta ee dawladda federaalka, ayadoo dhinaca kalena ay Somaliland ku dhawaaqday inay joojisay wadahadalladii kala dhaxeeyey dawladda Soomaaliya.

Sida uu Hargeysa Online u sheegay wasiiru-dawlaha, C/qaadir Axmed Kheyr, safiirka Iimaaraadka carabta, Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammaadi, wuxuu xaqiijiyey in xukuumadiisa ay ogsoon tahay in ‘madaxbanaanida iyo dawladnimada Soomaaliya ay tahay muqaddas’.

“Gorgortan ma laha madaxbanaanida iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, qof aan kala gorgortamayno iyo qof aan kala xishoonaynana ma jiro” ayuu yiri C/qaadir Axmed Kheyr oo intaa ku daray in ay jiraan dadaallo kale oo diblomaasiayadeed, sida cabasho ay u gudbiyeen jaamacadda carabta.

Danjire Al Xammaadi ayaa la filayaa inuu dawladiisa uu gaarsiiyo cabashada la hor dhigay.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya kama uusan hadlin ciidanka la sheego in Iimaaraadka uu qortay iyo saldhigga milateri ee la sheegayo in dalkaas khaliijka ku yaalla uu ka furanayo Berbera.


Hargeysa Online