Mareykanka Oo Fiisaha Dal Ku Galka Udiiday Madaxweynihii Hore Ee Somaliya.
Posted by ifraax on March 28 2018 22:36:16

Safaaradda dalka maraykanka ee magaaladda Nairobi oo qaabilsan arrimaha soomaaliya ayaa fiisaddii dal ku galka (the US entry visa) u diiday madaxweynahii hore ee Soomaaliya.


Extended News

Safaaradda dalka maraykanka ee magaaladda Nairobi oo qaabilsan arrimaha soomaaliya ayaa fiisaddii dal ku galka (the US entry visa) u diiday madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo 27 ka bishani March kaga qayb gali lahaa kulan ka dhacaayay magaaladda Portland ee gobolka Maine ee dalka maraykanka.


Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay machadka lagu magacaabo World Affairs Council of Maine, ayaa farriin ay shallay duhurkii boggooda Facebook soo dhigeen, waxay ku sheegeen, in qunsuliyadda maraykanka ee Soomaaliya qaabilsan ay Visa-dii dal ku galka u diiday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sababtuna ay tahay, isagoo uu qabtay sharcigii digreetada madaxweynaha maraykanku Donald Trump uu sannadkii hore kaga mamnuucay inay maraykan soo gallaan dadka ka soo jeeda lix dal oo Soomaaliya ku jirto.

 

Machadka Maine Council ayaa sidoo kale websitekooda ku shaaciyay in hadal uu madaxweyne Xasan Sheekh ka jeedin lahaa hotelka Marriot ee koonfurta magaaladda portland ee dalka maraykanka 27 March la kansal gareeyay. https://www.wacmaine.org/event-2866754

Donald Trump ayaa gebi ahaanba laalay go’aankii xukuumaddii Obama ku aqoonsatay dawladda Soomaaliya, wuxuuna diiday inuu safiir u magacaabo Soomaaliya.

Hargeysa Online