6 qof oo isku qoys ah oo qarax ku dhintay magaalada Buuloburte.
Posted by abdi on April 02 2018 22:24:38

Ugu yaraan 7 qof, oo 6 ka mid ah ay isku qoys yihiin, ayaa dhintay kadib markii ay la qaraxday miino waddada bartankeeda lagu aasay, degaan qiyaastii 7 km.


Extended News

Ugu yaraan 7 qof, oo 6 ka mid ah ay isku qoys yihiin, ayaa dhintay kadib markii ay la qaraxday miino waddada bartankeeda lagu aasay, degaan qiyaastii 7 km dhinaca galbeed ka xiga magaalada Buuloburte.


Dadka qaraxa ku dhintay waxaa ay kala yihiin hooyo iyo 4 caruur oo ay dhashay, aabahood iyo macalim dugsi quraan, waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Buuloburte, iyagoo ka tagay tuulo ku taalla galbeedka magaalada.

Qoyska ku dhintay qaraxa miinada, ayaa adeeg caafimaad waxaa ay u doonanayeen magaalada. Afarta caruur ee dadka dhintay ku jiray waxaa hayay xanuunka jadeecada, sida ay Hargeysa Online u sheegeen dadka deegaanka.

Guddoomiyaha Buuloburte Cabdi Daahir Guure, ayaa warfidiyeenka u sheegay in nuuca miinada ay ahayd kuwa Taangiyada lagula dagaalamo, waxaana loogu talagay, sida uu sheegay, in lala beegsado gaadiidka ciidamada oo waddada isticmaala.

Al-Shabaab ayaa xalay weerar waqti kooban socday waxa ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku yaala duleedka Buuloburte.

 

Hargeysa Online