Mooshinka Wax ka badalka habka loo soo doorto Mayarada iyo Golaha Deganka.
Posted by ifraax on April 04 2018 07:51:30

Wiigi hore waxuu golaha wakiiladu ka doodayeen mooshin dib u eegid lagu samaynayo tirada lagu ridayo Mayarka iyo Mayar ku-xigeenka.


Extended News

Wiigi hore waxuu golaha wakiiladu ka doodayeen mooshin dib u eegid lagu samaynayo tirada lagu ridayo Mayarka iyo Mayar ku-xigeenka. Markii hore, sharciga waxuu ahaa hal-dheeri (simple majority) golaha deganku ku ridi karo Mayarada iyo Mayar ku-xigeenada. Haddaba, markii golayaasha deganku ay muran iyo is qab qabsi ka dhaman wayeen ayaa dib loogu noqday tirada lagu ridayo Mayarka iyo Mayar ku-xigeenka. Waxaana tirada lagadhigay in 2/3 (saddex meeleedo laba), si golaha deganku ayna si fudud u ridin Mayarada. Inta ka dib, mayaradu waxay noqdeen kuwa intii tagtooda ah wax qabanaya. Haddaba, mar haddii golaha deganku dhexdooda iska soo cugteen Mayarada, waxay u arkan in Mayaradu yihiin xubin ka mida golaha deganka. Sida daradeed, shaqada Mayarada iyo golaha deganka ayaan kala xadasnayn, mashkiladu halka ay fadhida waa halkaasi.

Xubnaha golaha wakiiladdu ee moshinkani wata waxay ka doodayaan in hal-dheeri (simple majority) laga dhigo tirada lagu ridayo Mayarada. Taasina waxay keenaysa in dib loogu noqdo is qab qabsigii, iyo murankii ka jiray dawlada hoose.

Haddaba, golah wakiiladu waa in dib u eegid ku sameeyo sharciga oo dhan, waxna ka badalan sida lagu dooranayo Mayarada iyo Golaha deganka. Teeda kale, ma ah in sharciga loo badalo Mayarada wakhtigoodu sii dhamanayo. Sharci waa inuu noqdo mid lagu dhaqayo kuwa iman doona. Sida daradeed, waa in sharcigu noqdo mid xaliya is-qab qabsigan had iyo jeer ka dhax tagan Mayarada iyo golayaasha deganka. Sida daradeed

Mayarka iyo Mayar Ku-xigeenka casimada iyo magaalooyinka waawayn ee dalka waa in si TOOSA LOO DOORTO. Tani waxay keenaysaa in jagooyinkani isu soo sharaxaya dad khibrad iyo aqoon ay ku hanan karan shaqadan leh. Teeda kale, calamka dimuqradiyada ku dhaqma si toosa ayay u doortan Mayarada/Mayar ku-xigeenada. Haddiise 25 xubnood ee golaha deganka is cugtan. Marka, hogaankii magaladu u bahan tahay ayaa meesha ka baxaya. Arintuna waxuu noqonayaan is qab qabsi joogta ah. Mayirada sidan lagu soo doortana waxba ma qaban karo.

Teeda kale, waa in tirada golaha deganka la dhimo, oo kala badh laga dhigo. Tusaale ahaan, golaha deganka ee magalada Hargaysi waa in aanu ka badnaan 10 xubnood (Ama 10 xubnood golaha deganka ah, mayar iyo mayar ku-xigeenkiisa).

Magalada Hargaysa waxay leedahay 25 gole degan oo la doorto, tani waxay ka dhigtay in magaladu yeelato 25 mayar, oo isku awooda. Tani waa ta keenaysa in ayna is ixtiraamin oo had iyo goor is qab qabsadan. Lakiin marka Mayaradu si toosa loo doorto, waxay kala saraysa awooda Mayarada iyo Golaha deganka.

Dawlada hoose waxay la mid tahay dawlada dhexe oo kale. Sida uu Madaxwaynuhu u yahay hogaanka qaranka, ayuu Mayaraduna u yihiin hogaanka Magalooyinka.

Sida Golaha wakiiladu sharciyada dalka u sameeyaan, miisaniyada xukuumada ku shaqaysana dib u eegid ugu sameeyaan. Ayaa Golaha Deganku u sameeyan sharciyada lagu maamulayo Magalada (City ordinances), miisaniyada Mayarada u soo bandhigana ula eegaan.

Marka waxaan u soo jeedin lahaa in Golaha Wakiiladu in ayna soo sarin sharci qabyo ah, oo dhawrkii sanaba mar dib u eegid lagu samaynayo. Waa in goluhu dhamaystiro sharcigani, sida daradeedna waa in si toosa loo doorto Mayarada, si awooda iyo shaqada Mayarada iyo Golaha deganka loo kala xadeeyo.

Xukuumada iyada ayaa ka masuul horumarka iyo wax qabadka dalka. Teeda kale, sharciga golaha wakiilada ka soo baxa waxuu ku danbeeya Madaxwaynaha, si uu u saxeexo. Sida daradeed, waa in Madaxwaynaha iyo Xukumadiisu ay ka hawl galaan si loo helo sharci dhamaystiran oo xal waara u noqda mashkilada had iyo goor ka tagan dawlada dhexe.

Shacabka waxaan kula talin lahaa, in aydaan noqon dad ka war haynin sharciyada lagu dhaqayo. Shacabku waxay xaq u leeyihiin in ay helaan sharciyo ay qoreen aqoon yahano danaynaya dadkooda iyo dalkooda. Sida dardeed, waa in ka codsadan golayasha qaranka iyo xukuumada in ay sharciga golaha deganku uu noqdo mid dhamaystiran oo xalila mashkiladaha ka jirta golaha deganka, si golaha deganku u noqdaan kuwo hawsha loo doortay qabta een noqon kuwo dushooda isku haysta.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

OMAR A. YOUSUF OAKLAND, CALIFONIA

DALAYADA “DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST)

  WWW.SOMALILANDFIRST.COM