Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna. Saabsan geesinnimadii uu ku kacay Cabdiraxman Ciro.
Bismillaahi Arramanirraxeem.
Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh
Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna. Saabsan geesinnimadii uu ku kacay Cabdiraxman Ciro ayaa looga baahanyahay madaxwayne Muuse Bixi Cabdi in uu sameeyo
Waagi beryaaba waaya leh adduunka aynu ku noolahay waxwaliba way dhaceen waani dhici karaan
Sida aynu la wada soconno dalka jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland ee ilaahay mooyaane aanay cidi dan ka lahayn.
Waxaa ka qabsommay doorasho dhiig ku daatay bishii kaw iyo tobnaad saddex iyo tobankeedii ee sannadkii tagay dhiiggaasina muu daateen haddii ay jirto halhayska ah dorasho xor iyo xalaal ah bulshada reer Somaliland %80 waxay taageero laxaad leh u fidiyeen xusbiga Waddani annagu ka odayaal ahaan xusbina ma taageerro waxase bud dhig noo ah dhulka iyo qarannimada iyo wada jirka shacabka walaaha ee reer Somaliland madaxwane xilkiisu waa muddo kooban oo shan sannadood ah laakiin dhulku waa goobta aan guurayn ee aan dhammadka lahayn.
Haddaba xusbiyadu way noo simanyihiin xusbiga waddani waxaa taggero fidiyey bulshadii u badnayd %80 waxaa ka horyimi ku khuyamo qaran doorasho xubigaasi ka waxay go,aansadeen masuuliinti horkacaysay in ay badbaadiyaan waddanka iyo jiritaankiisa arrintaas cidka kasta oo dalka mustaqabbal kalahayd oo markii hore wadanaha farta ku haysay go,aankaas uu qaatay xusbigaas aynu soo sheegnay waxay noqotay dhinbiil dab ahayd oo laga booday cadadawga ku xeeran ee Somaliland may jeclayasan go,aankaas uu qaatay Xubiga waddani
waxanay uga tageen xusbiga kale ee kulmiye %20 bulshada reer Somaliland tageerada u muujiyey.
Marka uu xusbiga waddani haysto bulshada %80
Xusbiga kulmiyana haysto bulshada %20 xusbigani marka caqliga wanaagsan aynu ka faa,iidaysanno xusbgani ma soo jiidan karo %80 laakiin xusbiga waddani wuu u gacan haadin karaa %20 bulshada inta ka dhiman waxaa laga yaaba in lays yidhaahda si kastaba haw dhacdee bulshada dhan ee reer Somaliland waxaa kaadhka doorahsda ka qaatay 700,000 iyo wax la jira taasina waxay ku timi niyadjab ay ka qabeen dawladda hore ee isla kulmiye ahayd
Haddaba maxaa xal noqon kara waxaanu talo ku soo jeedin lahayn in bulshada la qiimeeyo xusbiga waddanina talada dalka loo daayo xusbiga kulmiyena sidii uu xusbiga waddani uga fikiray badbaada dalka xusbiga kulmiye uga tashado badbaadada dalka haddii kale dalku kuma sii jiri karo dhibaatada uu hadda ku jiro.
U fiirso waxkasta oo aan xalaal ku iman waxaa laga diidaya xagga Allaha ay nafaheennu gacantiisa jiraan marka hore wixii aanu ilaahy raalli ka ahayn Allah ayaa mala,gtiisa ku amrraya oo odhanayaa waan diiday ee idinku haddad maali,gta tihiin diida malaa,igtuna addoomaha uu ilaahy abuurta oo innaga ah ayey odhanayaa arrintaas ilaahy raalli kama aha dabeed ibna aadamka ayey ku amrayaan in ay iyaguna diidaan oo aanay raalli ka noqon mar haddii Allah aanu raalli ka hayan.
Markaas kursi bulshada inteeda badan aanay raalli ka ahayn ku fadhigiisu qiima ma laha ku fadhigiisuna waxtar dalka u yeelan maayo
Aan qodobbaynno dhibaatooyinka la soo kulmay intii dalka doorshada lagu muransanayey ka qabsoontay.
Arrimahaas is huwan waxay ka yimaaddeen waa wax aan ilaahay raalli ka hayn
Markaas waxaa loo baahanyahay wax ka qabasho muuqata iyo isbeddel ku dhac leh taas uu u wanaagsan caafimaadka madaxwnaha hadda mudane Muuse Biixi Cabdi
Waxay noogu muuqta badbaada dalku.
In aan Sharaf laga doonin dulmi iyo isku dul noolaansho
Lama joogo xilligii dulmigu shaqay jiray adduunku wuxuu ku wada fadhiyaa ardaa kelya daalimigana hoog ayaa u dambayn.
Dalka jamhuuriyadda Somaliland ha noolaado cadawgiisna waxaanu ilaahy ka baryeyna in uu jabo
Deeq Cabdi Digale