Sahra Axmed Jaamac oo ku geeriyootay Hargeysa.
Posted by abdi on April 04 2018 21:15:06

Waxaa Allaha U naxariistee goor dhow geeriyootay Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac oo maalmihii dambe ku xanuun saneyd magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.


Extended News

Waxaa Allaha U naxariistee goor dhow geeriyootay Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac oo maalmihii dambe ku xanuun saneyd magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland.


Sahra Axmed Jaamac ayaa ku geeriyootay Isbitaal maalmihii dambe lagu daweynayay oo ay jiiftay oo ku yaala magaalada Hargeysa.

Ehelada Marxuumada ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Fanaanada Sahra Axmed Jaamac.

Sahro Axmed Jaamac ayaa la sheegay in ay fanka ku soo biirtay 1969 xiligaas oo da`adeeda ay ku sheegtay 13 sano jiro.

Allha u naxariisteen maanta ayeey ku geeriyootay magaalada Hargeysa ee Soomaaliland halkaasi oo lagu wado in lagu aaso.

 

Hargeysa Online