Naciima Qorane oo 3 Sano oo Xabsi ah ay Xukuumada Jeegaantu ay ku xukuntay.
Posted by ifraax on April 15 2018 21:33:22

Abwaan Naciimo Qorane ayaa maanta maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa waxay ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah.


Extended News

Abwaan Naciimo Qorane ayaa maanta maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa waxay ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah, kadib markii maxkamaddu ay sheegtay in lagu helay danbi ah hadallo cay ah oo ka dhan ah Somaliland.


Naciima ayaa xabsiga la dhigay dhammaadkii bishii Janaayo iyadoo markaasi laga qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Xarunta xuquuqul-insaanka Somaliland ayaa canbaareysay xukuna Naciima lagu ridday oo ay ku tilmaantay mid ka hor imanaya dastuurka Somaliland oo ilaaliya xorriyaddu ay dadku u leeyihiin inay ku cabiraan aragtidooda.

Xarunta ayaa Somaliland ugu baaqday in Naciima xorriyadeedii dib loogu soo celiyo.

 

Hargeysa Online