Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo u safraya dalka Burundi.
Posted by ifraax on April 29 2018 21:21:48

Wafdi uu hogaaminaayo Ra’isal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed Khadar ayaa goor dhaw u amba baxay dalka Burundi.


Extended News

Wafdi uu hogaaminaayo Ra’isal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed Khadar ayaa goor dhaw u amba baxay dalka Burundi si uu dhiira gelin ugu sameeyo ciyaartooydeena Qaranka ee galabta Final-ka Ciyaaraya.


Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ay da,diisu ka hooseyso 17-ka sano ayaa lagu wadaa in ay maanta ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa la ciyaaraan dhigooda Tanzania.

Dhalinyarada Soomaalida waxay wareegi semi-finalka kasoo badiyeen Uganda oo ay ku garaaceen 1-0, halka Tanzania ay 2-1 uga soo badisay Kenya.

Inti uu socday tartankan, ayeey Soomaaliya kasoo wada badisay xulalka Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burudni oo ay barbarro galeen.

Haddii xulka Soomaaliya uu ku guuleysto koobkan, wuxuu noqonayaa marki ugu horreysay oo uu xul Soomaaliyeed ku guuleysto tartan ka tirsan kuwa qaarada Africa.


Hargeysa Online