Wasiirul-Dawlaha Imaaraadka Mr. Qarqaash Oo Mar Kale Ka Hadlay Somaliland.
Posted by ifraax on April 29 2018 21:32:07

Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Imaarraadka Carabta Anwer Maxamed qarqaash, ayaa mar kale ku celiyay in Dawladda Imaarraadka.


Extended News

Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Imaarraadka Carabta Anwer Maxamed qarqaash, ayaa mar kale ku celiyay in Dawladda Imaarraadka ay ka go’an tahay ilaalinta Midnimadda Soomaaliya.

Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda ee dalka Imaarraatka Carabta Anwer Maxamed Qarqaash oo Qoraal koobban soo dhigay boggiisa Twitterka, ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Imaarraadka iyo Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inay dabbada ka riixayso dawladda Qadar oo ismaan-dhaaf dhanka siyaasadda ahi u dhaxeeyo, waxaannu iswaydiiyay ilaa iyo inta uu khilaafka u dhaxeeya Imaarraadka iyo Soomaaliya sii socon karro.

 

“Dawladda Imaarraadka waxa ka go’an Ilaalinta midnimadda Soomaaliya dal ahaan iyo dad ahaan” Ayuu yidhi Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda Anwer Maxamed Qarqaash.

 

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda Imaarraadka Carabta Anwer Maxamed Qarqaash heshiiska Dekedda berbera, waxaannu yidhi “Heshiiska Dekedda berbera ee Waqooyiga Soomaaliya maaha mid sababi karra Mushkulad. Dawlad ahaanna waxaannu la saxeexannay Heshiiska dawladdii Soomaaliya ee tan hadda joogga ka horraysay, iyaddoo ay goob-joogayaal ka ahaayeen Maamul-gobolleedyaddu.

Waxaannu rajaynaynaa in Xidhiidhkii wanaagsannaa iyo Walaaltinnimaddii annaga (Imaarraadka) iyo Xukuumadda Muqdisho uu noqdo mid ka wayn wax walba.” Ayuu yidhi Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda Anwer Maxamed Qarqaash.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda Imaarraadka Carabta Anwer Maxamed Qarqaash ayaa 18-kii bishan aynu ku jirno ee April, ka dhawaajiyay in heshiiska Dekedda berbera ee Maal-gelinta Shirkadda DP World ay kala heshiiyeen Xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirul-dawlaha arrimaha dibadda ee dalka isu-tagga Imaarraadka Carabta Anwer Qarqaash oo la hadlay Idaacadda BBC-da qaybteedda Carabiga, ayaa waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin Midnimaddii Soomaaliya.


Hargeysa Online