Gabar u shaqeyn jirtay Hay'ad samafal oo lagu dilay Muqdisho.
Posted by abdi on May 02 2018 21:36:07

Kooxo hubeeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa magaalada Muqdisho ku dilay gabar u shaqeyn jirtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.


Extended News

Kooxo hubeeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa magaalada Muqdisho ku dilay gabar u shaqeyn jirtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ehelladeeda iyo Booliska.

 

Mid kamid ah qaraabada gabadha la dilay oo lagu magacaabo Maryan C/laahi ayaa sheegtay in gabadha la toogtay xilli ay ku sugnayd suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho si ay uga soo iibsato agab ay ugu diyaargaroobeeysay arooskeeda oo lagu waday in uu dhaco todobaadka soo socda.

Gabadha ayaa la sheegay in ay toogteen rag u hubeeysnaa baastoolado, kuwaa oo ku toogtay goob basaska laga raaco.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka danbeeysay dilka gabadhan, mana jiraan masuuliyiin ka tirsna dowladda oo faahfaahin ka bixiyay, balse boolisku waxa ay xaqiijiyeen in raggii dilka geeystay ay goobta isaga  baxsadeen.

Dilkan ayaa imanaya ayadoo dowladda Soomaaliya ay wado dadaallo la doonayo in lagu xasiliyo caasimadda, waxaana tan iyo intii ay dadaalladaasi bilowdeen yaraaday dilalkii toogashada ahaa ee ka dhici jiray Muqdisho, waxaa dilka loo geystay gabadhan uu cabsi ku abuuray bulshada ku dhaqan gobolkaasi, gaar ahaan shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah.

Hargeysa Online