Dagaal beeleed ka dhacay gobolka Sanaag.
Posted by ifraax on May 09 2018 22:09:56

Dagaal Culus ayaa ka dhex bilaabmay laba beelood oo wadada dega dhul balaadhan oo ka tirsan gobolada  Sanaag iyo meelo ka mid ah gobolka Sool.


Extended News

Dagaal Culus ayaa ka dhex bilaabmay laba beelood oo wadada dega dhul balaadhan oo ka tirsan gobolada  Sanaag iyo meelo ka mid ah gobolka Sool, waxaana la sheegayaa in uu khasaare xoog leh geystey.



Dagaalkan ayaa waxa uu daba socdey dagaalo bilihii la soo dhaafay ka dhacayey degaanadaasi oo sababay qasaare baahsanaa iyo barakacba.
Dagaalkan oo saaka ka bilaabamay meel lagu magcaabo Dhidinka oo u dhow degmada Ceel-afweyn ayaa la sheegay in saameeyey degaano balaadhan oo ay labadaas beelood wada degaan oo ay ka mid yihiin Siigadheer, Dararweyne, Fadhigaab iyo degaano kale.
"Ceel-afweyn waxaan ogahay in ay ku dhinteen 7 ruux oo  mid haweeney tahay, sidoo kale waxaa naloo sheegay Fadhigaab in sagaal ruux ay ku dhinteen, halka dhidinkana 5 ruux la sheegay warkuna intaas maaha ee waa soo kordhayaa oo weli khasaaraha lama xaqiijin karo" sidaa Hargeysa Online u sheegay Maxamuud Ismaaciil oo joogey Ceel Afweyn xiligii dagaalku Dhacayey.
Dad badan oo aan kala xidhiidhnay degaanada dagaaladu ka dheceen waxa ku adkaaday in ay helaan xaqiiqada dhabta ah ee khasaaraha labada dhinac, balse dadka qaarkood oo labada dhinaca ah waxa ay kuu sheegayaan halka ay joogaan  iyo sida ay u adagtahay qaadashadeedu.
Gurmad ciidan ayaa labada dhinac ay ka wadaan degaanada ka baxsan dhulka laysku laayey, illaa hadana ma jiraan dadaalo lagu xakamayn karo iyadoo xiisadu meel aanay weligeed gaadhin ay marayso.
Meelaha qaarkood dagaalka waa istaagey waxaana soconaya qax ka bilaabmay degaanadii dagaaladu ka dheceen iyo kuwo kaleba.


Hargeysa Online