Madaxweyne Muuse Biixi oo tababar u soo xidhay cutubyo ciidamo ka tirsan Militariga Somaliland.
Posted by ifraax on May 30 2018 21:05:00

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ay ka qalinjabinayeen cutubyo dhiboo ah oo ka soobaxay dugsiga tabobarka dugsiga Darar-weyne.


Extended News

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ay ka qalinjabinayeen cutubyo dhiboo ah oo ka soobaxay dugsiga tabobarka dugsiga Darar-weyne, cutubyadaas oo ka mida ciidanka Militariga Somaliland.

Taliyaha dugsiga Tababarka Jadiidka Darar-weyne Gaashaanle sare Caamir Siciid Diiriye oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay heerarkii kala duwanaa ee uu dugsigaasi soo maray iyo horumarka uu gaadhay, waxaana uu ammaanay ciidamada cusub ee carbiska dhammaystay.

Abaanduulaha koowaad ee ciidamada qaranka Sarreeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ahna ku simaha taliyaha Ciidanka Militariga Somaliland, ayaa ka warbixiyey ciidamada dhibbooga ah ee carbiska dhammaystay, kuwaas oo dhaxlay xirfad iyo aqoon buuxda.

20185306366326982298181185355.jpg

2018530636632698323166671924.jpg

20185306366326996944849648935.jpg

20185306366327006544486017346.jpg

2018530636632701387900534888883.jpg

 

“Madaxweyne Kulliyadan waxa loo furay in ragga lagu kala saaro, ragganina waa kuwii soo gudbay oo aanu is leenahay qaranka wax bay tarayaan, waxaana aan leeyahay hambalyo.”ayuu yidhi Ciise Axmed wasiirka Gaashandhiga Somaliland.

“Dhallinyarada maanta dhammaystay tababarkii koowaad ee ciidanka waxa aan leeyahay maanta waxa aad bilowdeen nolol qiimo iyo qaayo leh oo sharaf leh oo taariikh leh oo aanu qof waliba heli karin, mid soo mara hawsheeda iyo dhibteeda mooyaane, waxkastaana waxa ay ku yimaaddaan oo uu adduunku hore ugu maraa waa is maqalka iyo kala dambaynta, askarigana waxa la baraa adkaysiga maskaxeed, sidiisabana qofka ciidanka ahi meelkasta oo uu katirsan yahay waxa uu dadka kale kaga duwan yahay isagu dantiisa wuu iska illaawaa, waxaana uu ka shaqeeyaa danta qaranka, haddii aan ciidan jirinna qaran ma jireen.”ayuu yidhi Biixi.

Dugsiga Tobabarka ee Dararweyne ayaa lixdii biloodba soo saara cutubyo ciidan ah, kuwaas oo ku biira ciidamadda kala duwan ee Somaliland.

 


Hargeysa Online