Cabdiwali Gaas Oo Beesha Caalamka Ka Dalbaday In Somaliland Dib Ugu Soo Celiso Saanad Milatari.
Posted by ifraax on May 30 2018 21:18:54

Madaxweynaha Puntland ayaa dalalka beesha caalamka ka dalbaday in Somaliland lagu qanciyo inay dib ugu celiso maamulkiisa saanad milatari u badan iyo maxaabiis.


Extended News

Madaxweynaha Puntland ayaa dalalka beesha caalamka ka dalbaday in Somaliland lagu qanciyo inay dib ugu celiso maamulkiisa saanad milatari u badan iyo maxaabiis dagaal oo uu sheegay in lagaga qabsaday dagaalkii u dambeeyay ee Tuko-raq ka dhacay toddobaadkan.
Waraaq uu u qoray safiirada fadhigoodu yahay Nayroobi oo uu ku dalbaday in dagaalku joogsanayo haddii ay Somaliland fuliso laba qodob, ayaa qodobka koowaad ee qodobadani wuxuu yahay in Somaliland soo celiso saanadii u badnayd hubka milatari ee lagaga qabsaday labadii dagaal ee bishan ka dhacay Tuko-raq. Somaliland ayaa maleeshiyaadka Puntland ka qabsatay saanad milatari oo ay ka mid yihiin Kaare, tikniko iyo

qoryahaha boobaha ee daran dooriga u dhaca iyo weliba rasaas. Wuxuu kaloo dalbaday in maamulkiisa loo celiyo maxaabiista dagaal ee laga qabtay.



Qodobka kale ee uu Mr. Gaas warqadiisa ku sheegay ayaa ah in ciidanka qaranka Somaliland ka baxo Tuko-raq.

Geesta kale, warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu la daalaa dhacayo culaysyo kaga imanaya shacabkiisa oo ka dhashay dagaaladii labada ahaa ee ay maleeshiyadiisu ku soo qaadeen Somaliland oo khasaare culusi ka gaadhay.

Puntland ayaa waxa kaga dhintay dagaalkii u dambeeyay tiradii ugu badnayd ee ciidan ah oo ay ku jiraan taliyayaal ciidan iyo saraakiil sar sare. Saraakiisha dhimashadooda la xaqiijiyay waxa ka mid ah taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland Mr. Xuseeny tooray.

Si kastaba ha ahaate, shacabka Puntland ayaa u muuqda in badankooda ka soo horjeedo dagaalka Tuko-raq, waxaanay ku baaqayaan in madaxweyne Gaas uu dagaalka joojiyo. Laakiin Mr. Gaas ayaa dagaalkan u arka fursad siyaasadeed oo muddadiisa xil hayneed loogu kordhin karo si dib loogu dhigo doorashada madaxweynaha Puntland.
 

Hargeysa Online