Soomaaliya iyo Kenya xadduud la ogyahay oo ay heshiis ku yihiin ma jirto.
Posted by abdi on May 31 2018 21:10:38

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud oo qeyb ka ah wafdiga madaxweyne Farmaajo ee ku sugan dalka Kenya.


Extended News

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Mukhtaar Mahad Daa’uud oo qeyb ka ah wafdiga madaxweyne Farmaajo ee ku sugan dalka Kenya wuxuu caddeeyay inaysan jirin heshiis la ogyahay oo dhinaca xadduuda ah oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, wuxuu inta ku darray wadahadalkii u dambeeyay ee madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya ee Arbacadii shalay in diirrada lugu saaray arrimo ku saabsan Baladxaawo.


“Arrinta Baladxaawo waa laga hadlay waxbaddana waa la gorfeeyay kaddibna waxay noqotey in guddi labada dhinac ah loo saaro oo warbixin ku keenna muddo lix bilood ah kaddibna ku soo celiya madaxda .” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya oo BBC-da la hadlay, isagoo sii hadlaya wuxuu yiri “ Waxaan rabaa Soomaalida iyo dadka kale inay si fican u oggaadan Soomaaliya iyo Kenya xadduud la ogyahay oo heshiis ka jiro ma jirto waxa laga wada hadlayo waxaa weye ammaanka labada magaallo ee dariska ah iyo inan lakala xirin nabadna lugu wada noolaado waa inta kaliya waxa laga wadahadlayo.”

Gabagabadii wasiir ku-xigeenka oo la waydiiyay in wadahadalka lugu soo darey muranka xad badeedka labada dal, wuxuu sheegay in arrinta inta badan looga hadlo baraha bulshadda -Soomaaliya iyo Kenyana ay maxkamad tageen oo go’aan laga sugayo.

 

Hargeysa Online